X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Doorka Mucaaradka Dhaliisha Xukuumaddiisa Iyo Dhawaaqii Xirsi?

Araweelo News Network

Madaxweyne  Biixi Oo jeediyay khudbad soo jiidatay dhegaha Bulshada oo dulqaad baddan iyo deganaasho laga dareemayay.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse  Biixi Cabdi ayaa ka muujiyay garawshiiyo dhaliisha mucaaradka ee toosinta ah, wuxuuna ku tilmaamay mid sixitaan ah oo loo baahanyahay, isla markaana aan habboonayn in si kale loo fasiro.

Madaxweyne Biixi oo ka  qeyb-galay Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Hargeysa ee Dufcaddii 17aad oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa maanta, wuxuu jeediyay khudbad soo jiidatay dhegaha Bulshada oo dulqaad baddan iyo deganaasho laga dareemayay.

Khudbada Madaxweyne Biixi oo tilmaan, tusaale iyo garawshiiyo xanbaarsanayd, isla markaana uu ku hilaadiyay sidii dalku horumar ku gaadhi lahaa, iyadoo gamcaha lays haysto mucaarad iyo muxaafudba.

Madaxweyne Biixi, ayaa khudbadaa jeediyay kaddib markii uu Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, madasha ka jeediyay dhaliilo oo qaab farshaxan ah usoo dhigay oo qodobaysan, isagoo ku iftiimiyay Siyaasada Waxbrashadda dalka iyo Waddooyinka, isala markaana tusaale usoo qaatay Waddada Ceeraabo iyo Waddada Berbera Corridor.

AKHRI:  Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Dhaliilo U Muuqday Inuu Madaxweynuhu Ka Garaabay Ka Jeediyay Madal Lagu Kulmay

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo tilmaamaya doorka mucaaradka iyo sababta ay Somaliland u qaadatay nidaamka dumuqraadiyadda ee  samaysatay  Axsaabta, ayaa ka hadlay dhaliilaha uu xukuumaddiisa usoo jeediyay Hoggaamiye Xirsi, wuxuuna Madaxweyne Biixi oo muujinaya garawshiiyo ku tilmaamay Xirsi nin ku fiican mucaaradka iyo inuu wax toosiyo oo tilmaamo si aan naxli lahayn, taas oo Madaxweynuhu sheegay in ay tahay ta loo baahan yahay.

Halkan Ka Daawo Madaxweynaha oo Khudbadiisa kaga hadlaya arrimahaa.

 

 

AKHRI: “Xisbiyada Mucaaridku, Waa innay Dawladda marrada ka qaadaan” Madaxweyne Biixi

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post