X

Madaxweyne Biixi Muxuu Ka Yidhi Dhismaha Biriijka Dacarbudhuq Ee Galaaftay Nollosha Boqolaal Qof Iyo Hanti Malaayiin Ah

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa kasoo  safar shaqo oo uu ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, isagoo kormeer shaqo kusoo maray biriijyada kala duwan ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Madaxweyna Somaliland Muuse Biixi oo kormeeray Dhismaha Biriijka Dacarbudhuq ee duleedka Bariga Hargeysa 30 April 2021. Image File Araweelo News Network.

Biriijyada wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, ayaa laga wadaa shaqo dib u dhis ah, waxaana si gaar ah dooxa weyn ee Dacar-budhuq oo ah midka uga waxyeelada badan xilliga roobabka ka socota shaqo gacanta lagu hayo dhismihiisa Biriijka ka tallaaba dooxa, kaas oo meel wanaagsan marayo.

 

 

Madaxweynaha iyo xubno weftigiisa kamid ah, ayaa kormeeray habsami-u-socodka Biriijka dooxa Dacar-budhuq, waxana ay halkaas ku arkeen masuuliyiinta hawsha dhismaha gacanta ku haya iyo shaqaallaha oo hawl-maalmeedkooda ku guda jira.

Madaxweyna Somaliland Muuse Biixi oo kormeeray Dhismaha Biriijka Dacarbudhuq ee duleedka Bariga Hargeysa 30 April 2021. Image File Araweelo News Network.

Madaxa mashruuca Berbera Corridor, Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa madaxweynaha uga warbixiyey halka ay marayso guud ahaan waddada Berbera Corridor oo ay wehelinayaan dhismaha Biriijyo waaweyn oo bulshada dhibaato badan ku hayey, waxana uu sheegay inay horumar ballaadhan ka sameeyeen dhismaha waddada iyo biriijyadaba, islamarkaana ay dedaal weyn geliyeen sidii uu biriijka dooxa weyn ee Dacar-budhuq sida ugu dhaqsaha badan ugu dhamayn lahaayeen, isagoo balanqaaday in ay  dhowaan dhammaystiri doonaan.

Madaxweyna Somaliland Muuse Biixi oo kormeeray Dhismaha Biriijka Dacarbudhuq ee duleedka Bariga Hargeysa 30 April 2021. Image File Araweelo News Network.

Qaar kamid ah Injineerrada ajaanibka ah ee dhismaha biriijka gacanta ku haya oo Madaxweynaha warbixin ka siiyay hawsha ay gacanta ku hayaan, ayaa caddeeyey inay hawsha dhismaha biriijyadu si habsami leh ugu socoto, dedaal badanna ugu jiraan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen.

Madaxweyna Somaliland Muuse Biixi oo kormeeray Dhismaha Biriijka Dacarbudhuq ee duleedka Bariga Hargeysa 30 April 2021. Image File Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeerka kadib waxa uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee gacanta ku haya Biriijyada iyo guud ahaanba waddada weyn ee Berbera corridor, isaga oo guul weyn ku tilmaamay in waddadii Berbera Corridor iyo dhismihii Biriijyada isu socodka shacabka muhiimka u ah.

“Waa wax lagu farxo in maanta ay Biriijyadii halkan marayaan oo haddii Alle yidhaahdo sannadkan Aakhirkiisa Biriijyada kuwa ugu waaweyni ay dhammaan doonaan, xisbiga KULMIYE in badan buu ummadda u ballan qaaday inuu waddooyinka wax ka qaban doono kolba taagtiisa iyo ciddii uu la kaashadaba.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Madaxweyna Somaliland Muuse Biixi oo kormeeray Dhismaha Biriijka Dacarbudhuq ee duleedka Bariga Hargeysa 30 April 2021. Image File Araweelo News Network.

Biriijka weyn ee dhismihiisu ka socdo dooxa Dacar-budhuq, oo qayb ka ah heshiisyadii DP World ee balaadhinta Dekedda Berbera, ayaa ahaa kuwo xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo la gashay shirkadaa, ayaa dhererkiisu dhan lagu sheegay, 105M (Boqol iyo shan mitir), waxana uu kamid yahay biriijyada ugu muhiimsan ee la filayo in dhismihiisa si dhaqso ah loo dhamaystiro, maadaama uu yahay ka ugu khatar badan ee xilliga raxmaadka ay dad badani naftooda ku waayeen, isla markaana uu sababo khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post