X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Magcaabis iyo Xilka Qaadis Sameeyay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Image File Araweelo News Network 24 October 2020

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magcaabay masuuliyiin cusub, kuwa kalena xilalkii ay qaranka u ahayeen ka qaaday.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal wareegto kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.
Qoraalka wareegtada ah ayaa u dhigaan sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-565/102020 iyo JSL/XM/WM/222-566/102020 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Sahal Maxamed Jaamac;
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
2. Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha .
3. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
4. Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga.
5. Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
6. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post