Araweelo News Network

“Hooyaday way dhimatay, iyadoo aan ogayn in waligey lay xorayn doono” Salahi, Maxbuus kasoo baxay Xabsiga Guatanamo oo filim laga sameeyay Tacadiyada qayb ka ah.

Waa Sidee Xaaladda Dhabta Ah Ee Xabsigaa?

Warbixin: By. Arraale M. Freelance Journalist and Human Rights Activist.

New York(ANN)- Hay,addaha Xuquuqda Aadamaha ayaa ugu Baaqaya Madaxweynaha cusub ee Maraykanka in deg-deg loo xidho xabsiga Guatanamo Bay oo noqday goob lagu dhibaateeyo oo tacadiyo ka dhan ah xuquiqda Aadamaha lagu sameeyo, iyadoo ay ku jiraan 40 nin oo Muslin ah, kuwaas si xun loogu soo sameeyo tacadiyo uu damiirku diidayo.

 

“Waxaan xasuustaa rajadii aan dareemay laba iyo toban sannadood ka hor, markii uu Madaxweyne Obama xilka qabtay. Qolkayga jeelka dhexdiisa, waxaan ka akhriyey nuqul ka mid ah amarkiisa oo ugu dambayntii lagu xidhay Guantánamo Bay, waxaana indhahayga ka timi ilmo iga soo dareertay farxad awgeed”, sidaa waxa yidhi, Mohamedou Ould Salahi oo u dhashay dalka Mauritania, wuxuuna muddo 14 sannadood ku xidhnaa xabsiga tacadiyada badan ee lagu ciqaabo muslimiinta.

“Riyadeyda naxdinta leh, ee aan dhammaadka lahayn – oo lagu hayey qafisyo tan iyo 2002, isla markaana laygu samaynay jidh-dil, iyadoo aan weligay xitaa denbi laygu soo oogin – ugu dambeyntii wuu dhammaaday.” Ayuu yidhi.

“Waxaan halkaa ku haystay toddobo sannadood oo naxdin leh ka hor intaan la i sii deyn 2016, waxaan u mahadcelinayaa Amnesty International iyo kooxo kale oo si hagar la’aan ah ugu ololeeyay xorriyadayda, ayuu raacisay qoraal ay Hay’adda caalamiga ah ee Amnesty International u kala dirtay kumamaan qof oo dacalada dunida ku kala sugan oo u ololeeya xuquuqda Aadamaha, kuwaas oo ka mid yahay Arraale M. Jaama oo ah suxufi madax-banaan oo u dhaq-dhaqaaqa Arrimaha xuququda Aadamha.

“Laakiin waxaan ahay qof kaliya oo la sii daayay: maanta, Guantánamo wali wuu furan yahay. Afartan nin oo Muslimiin ah ayaa wali ku xidhan halkaas oo ay ku xidhan yihiin xabsiyo yar yar oo edge ah, kuwaas oo intooda badan aan waligoodna lagu soo oogin wax dambi ah, ama aan la siinin maxkamad cadaalad ah. Hadda, Madaxweyne Biden wuxuu u baahan yahay inuu kasoo qaado halkii uu ka tagay Madaxweyne Obama oo uu joojiyo xadgudubyada culus ee xuquuqda aadanaha isagoo xidhaya Guantánamo Bay” ayuu lagu yidhi, farriinta Amnesty International ee ka timi Mohamedou Ould Salahi oo u dhashay dalka Mauritania.

Hay’adda Amnesty ayaa sidoo kale, soo saartay warbixin iftiiminaysa rikoorka 19-sano oo xabsigaasi furnaa xadgudubyada xuquuqda aadamaha ee xabsiga Guantánamo Bay.

Warbixinta ayaa sidoo kale khariidadaynaysa sida Madaxweynaha Maraykanka ee hadda jira iyo Congress-ka ay u qaadi karaan ficil la taaban karo oo lagu xidhayo hal mar iyo dhammaanba sannadka 2021, si xabsigaasi u noqdo mid la xidho.

“Intii lagu guda jiray dhowrkii sannadood ee ugu horeeyay ee aan xidhnaa, waxaa igu xirmay waxa dadka intiisa badani xitaa aannay malayn karin: go’doomin xad dhaaf ah, hurdo la’aan, qolalka qabow, garaacis, bah-dilaad iyo hanjabaado, wehel la’aan anniga keliya ah, laakiin Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa indhaha la iga xidhay oo la ii saaray Badda si aan u helo xukun jees-jees ah.” Ayuu yidhi, Ould Salahi.

Wuxuu sheegay in Sannadkii 2010, dacwad ooge militari uu qiray in aannay jirin cadaymo aan sax ahayn oo kusoo oogi kara wax dambi ah  iyo xaakim federaal ah oo ugu danbayntii amray in la i sii daayo. Laakiin dowladda Maraykanka ayaa rafcaan ka qaadatay oo sii wadday inay kusii hayaan xabsiga, iyada oo aan wax dambi ah ama maxkamad la soo taagin illaa laga sii daayay dalkiisa Muritaaniya lix sano ka dib.

“Intaan ku gudajiray waxaan sugayay inaan guriga qabto, hooyaday way dhimatay, iyadoo aan ogayn in waligey lay xorayn doono iyo inkale. Haddana markaan xoroobay ee aan xoriyadaydii dib u helay, waxaan wajahayaa nooc kale oo xabsi ah oo ah ceebaynta ahaanshaha maxbuus hore waxay ka dhigan tahay in dawladduhu ay si aad ah u xannibeen xoriyadayda dhaqdhaqaaqa. Ma safri karo si aan u helo daryeel caafimaad oo aan aad ugu baahnaa waxyeelada jirkeyga kasoo gaadhay jidh-dilkii la ii geystay. Xitaa ma booqan karo wiilkayga yar iyo xaaskayga dibada jooga. Wallaw aan weli aad ugu faraxsanahay xorriyadayda – laakiin sheekadaydu kama duwana kuwa kale ee halkaas jooga ilaa maanta. “ayuu yidhi.

 

Khibradayda waxaa hadda looga sheekeynayaa filim cusub oo la yidhaahdo The Mauritanian, waxayna i siinaysaa rajo ah in tooshkan ku iftiimiyo waxa ka jira halkaa, taas oo ay ku dhiiri gelin doonaan Madaxweyne Biden inuu ugu dambeyn soo afjaro riyadan iyo niyad xumada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, iyo afartan nin oo weli ku jira xabsiyada, ayuu raaciyay.

Hay’adda Xuququda Aadmaha ee Amnesty International, ayaa sheegay in Xabsiga militariga ee Guantánamo Bay uu yahay mid u taagan xadgudubyada daran ee xuquuqda aadamaha ee dowladda Maraykanka.

Xilligan oo uu galayo sannadkii 20-aad ee jiritaankiisa, waa xarun lagu hayo maxaabiis xabsi aan la cayimin, waxaana xabsigaa weli ku jira oo uu gacanta ku hayaa 40 rag ah oo Muslimiin ah, kuwaas oo badankooda aan wax dacwad ah lagu soo oogin, midkoodna aannu helin maxkamad cadaalad ah. In badan, sida maxbuuska Towfiiq al-Bihani, waxaa jidh-dil u geystay dowladda Maraykanka. Lix ka mid ah maxaabiista, oo uu ku jiro al-Bihani, ayaa loo fasaxay in loo wareejiyo dalal kale, balse weli waxay ku jiraan xabsiyo.

 

Madaxweynaha la doortay Biden wuxuu haystaa fursad uu ku joojiyo xadgudubkan joogtada ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadamaha isagoo xidhaya xarunta lagu hayo maxaabiista ee Guantánamo Bay.

Amnesty International, ayaa door taageero ka qaadatay sii deynta Mohamedou Ould Salahi oo u dhashay dalka Mauritania iyo sidoo kale, sheekadiisa xabsiga oo laga sameeyay filimka The Mauritanian.

Halkan ayaad Filimka ka daawan kartaa hoose.