X
    Categories: Warar

Madaxweyne Barack Obama Oo Si Weyn U Taageeray Haweenayda Murashaxa U Ah Xisbiga Dumuqraadiga Hillary Clinton

Araweelo News Network

Barack Obama and Hillary Clinton

Philadelphia(ANN)Madaxweyne Obama oo ka hadlayay shirka xisbiga Dimuqraadiga ee ka socda Philadelphia, ayaa taageeray musharaxa xisbiga ee madaxtinimada uga qaybgelay xisbigaa Hillary Clinton .

“Hillary Clinton waa qof degan oo dadka dhegaysata, qof kastana si ixtiraam leh ula dhaqanta si kasta oo duruufuhu u adag yihiin, waa qof aan hawl u taal ka fadhiisan. waan hubaa inay dalka kusii hoggaaminayso jihada horumarka iyo dhinaca wanaagsan” ayuu yidhi Madaxweyne Barack Obama.

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mr. Obama wuxuu kaloo sheegay in Marwo Clinton ay tahay musharaxa keliya ee fursadaha qofkasta oo Mareykan ahi rajayno suuragelin karta. sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay shaciga Maraykanka inay doortaan oo ay ka taxadiraan hoggaamiye jiho khaldan doonaya inuu dalka u kexeeyo, isagoo ula jeeda musharaxa Xisbiga tartanka adag ka dhexeeyo ee Republican oo uu ka sharaxyahay Maalqabeenka Donald Trump.

Shirweyna xisbiga Dimoqraadiga ayaa maanta galaya maalibtiisii ugu dambaysay, waxaana habeenkii xalay laga jeediyey qudbado culus.

Hoggaamiyaysasha hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka xilku kasii dhammaanayo Joe Biden, Haweenayda musharraxa Dumuqraadiga ay Hillary Clinton u xulatay madaxweyne ku xigeenka Tim Kaine iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood amaan kula kufay Hillary Clinton.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post