Araweelo News Network
Philadelphia(ANN)Madaxweyne Obama oo ka hadlayay shirka xisbiga Dimuqraadiga ee ka socda Philadelphia, ayaa taageeray musharaxa xisbiga ee madaxtinimada uga qaybgelay xisbigaa Hillary Clinton .“Hillary Clinton waa qof degan oo dadka dhegaysata, qof kastana si ixtiraam leh ula dhaqanta si kasta oo duruufuhu u adag yihiin, waa qof aan hawl u taal ka fadhiisan. waan hubaa inay dalka kusii hoggaaminayso jihada horumarka iyo dhinaca wanaagsan” ayuu yidhi Madaxweyne Barack Obama.
Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mr. Obama wuxuu kaloo sheegay in Marwo Clinton ay tahay musharaxa keliya ee fursadaha qofkasta oo Mareykan ahi rajayno suuragelin karta. sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay shaciga Maraykanka inay doortaan oo ay ka taxadiraan hoggaamiye jiho khaldan doonaya inuu dalka u kexeeyo, isagoo ula jeeda musharaxa Xisbiga tartanka adag ka dhexeeyo ee Republican oo uu ka sharaxyahay Maalqabeenka Donald Trump.
Shirweyna xisbiga Dimoqraadiga ayaa maanta galaya maalibtiisii ugu dambaysay, waxaana habeenkii xalay laga jeediyey qudbado culus.
Hoggaamiyaysasha hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka xilku kasii dhammaanayo Joe Biden, Haweenayda musharraxa Dumuqraadiga ay Hillary Clinton u xulatay madaxweyne ku xigeenka Tim Kaine iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood amaan kula kufay Hillary Clinton.