X
    Categories: Warar

Madaxweynayaasha Ruushka Putin iyo Maraykanka Trump Oo Markii U Horraysay Kulmay

Araweelo News Network

Washington(ANN)-Madaxweynayaasha Dalalka Maraykanka Iyo Ruushka, ayaa markii u horaysay ku kulmay dalka Jarmalka.

 

Madaxwayne Donald Trump, ayaa kulanka kadib dhankiisa sheegay in wadaxaajood fiican ay yeesheen madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin markii ay si kooban ugu kulmeen shir waynihii wadamada Eeshiya ee ka dhacay Vietnam.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu mr Trump ku tilmaamay dad uu naceyb ka buuxo iyo doqonimo kuwa aan dhiirigalin xidhiidh wanaagsan oo dhexmara wadamada.

Madadweynuhu Trump, ayaa hore u sheegay in Mr Putin uu ku tilmaamay in ay aflagaado  tahay eedeeynta ku saabsan in Ruushka  faragalin ku sameeyeen doorashadii Mareykanka 2016.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in Ruushku  isku dayeen in ay u xagliyaan mr Trump doorashadii madaxwaynanimada.

Balse Madaxweyne Trump,  sheegay in gabi ahaanba aanay faragalin Ruushku doorashadii uu kusoo baxay ee loogu doortay isaga Madaxweynaha Mareykanka.

Hasa yeeshee Mr Trump waxa uu muujiyay in uu taageersan yahay natiijada ka soo baxday baaritaanada hay’adaha sirdoonka.

“Haddii aan rumaysnahay iyo haddii kalaba ,waxa aan ku kalsoonahay baadhitaanka hay’addeheena, waaana aan aaminsanahay hay’addeheena sirdoonka,”ayuu yidhi.

Madaxwayne Trump iyo dhigiisa Ruushku  ma yeelan kulan fool ka fool ah markii ay isku arkeen shirkii waamada Eeshiya ee ka dhacay dalka Vietnam.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post