X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Xilka Kasii Degaya Ee Somaliland Oo Kulan Deg-deg Ah Isugu Yeedhay Xukuumaddiisa Iyo Waxyaabaha Uu Kala Hadlay

Araweelo News Network

Madaxweynaha xilka kasii degaya Axmed Silanyo

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhay maanta  oo taariikhdu tahay 28 Nov 2017, xukuumaddiisa.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa kulankaa ka qayb galay wasiirada Xukuumadda iyo Maareeyeyaasha Hay’addaha Madaxa Banaan ee Dawladda.

Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey masuuliyiintii shirka ka soo qaybgalay ayaa yidhi “ Ugu horreyn, waxaan si weyn idiinku boggaadinayaa dedaalka iyo doorkii qiimaha lahaa, ee aad kasoo qaadateen ololaha doorashooyinka Xisbiga Kulmiye.

Waxaan aamin-sanahay, in aad Udub-dhexaad u tihiin guusha xisbiga kulmiye gaadhay. Waxaan aamin-sanahay, in xisbiga kulmiye lagu doortay horumarkii iyo qax-qabadkii uu dalka ka hirgeliyey, ee aad bud-dhiga u ahaydeen. Waxaan aamin-sanahay, in aynu xaqiijinnay himilooyinkii iyo hadafkii aynu lahayn, xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba.

Mudaneyaal iyo marwooyin,

Sharaf weyn ayay ii tahay, aniga ka madaxweyne ahaan, iyo idinkaba, in  mar labaad xisbigeenii uu ku guulaysto hoggaaanka talada dalka. Sumcada iyo wanaagga aan maanta kaga tagay qarankan, idinkaa sabab u ah. Hoggaamiyayaashu way kala nasiib badan yihiin, ama way kala cawo iyo ayaan badan yihiin.

Kumaan khasaarin, isla markaana Eebbe iguma xilin, in aan idiin cugtay ama idiin magacaabay in aad noqotaan kaaliyayaashaydii.

Sidaa darteed, waxaan jecelahay in aan dhammaantiin idiinka mahadceliyo, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad u gudateen xilkii qaranka, isla markaana aad iila soo shaqayseen, iina garab is-taagteen.

Mudaneyaal iyo marwooyin

Sida aad la socotaan, waxaynu ku jirnaa xilli kala guud ah, oo aynu xilkii qaranka ku wareejinayno, madaxweynaha cusub ee la doorta, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, waxaan idin farayaa in mas’uul waliba deg-deg u diyaariyo, xil wareejintii looga baahnaa.

Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in waqtiga kala guurka ah, la ilaaliyo hantida qaranka. xiliga iyo qaabka xil-wareejinta oo sharaxaad dheeraad ah laga bixiyo, gun iyo gebo-gebo, waxaan idinkaga tegayaa niyad sami, mustaqbal wacan, madaxtinimo iyo duco”. ayuu yidhi, Madaxweyne Siilaanyo.

Alle Ayaa Mahad Leh

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post