Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa kulan deg-deg ah isugu yeedhay maanta oo taariikhdu tahay 28 Nov 2017, xukuumaddiisa.
Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa kulankaa ka qayb galay wasiirada Xukuumadda iyo Maareeyeyaasha Hay’addaha Madaxa Banaan ee Dawladda.
Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey masuuliyiintii shirka ka soo qaybgalay ayaa yidhi “ Ugu horreyn, waxaan si weyn idiinku boggaadinayaa dedaalka iyo doorkii qiimaha lahaa, ee aad kasoo qaadateen ololaha doorashooyinka Xisbiga Kulmiye.
Waxaan aamin-sanahay, in aad Udub-dhexaad u tihiin guusha xisbiga kulmiye gaadhay. Waxaan aamin-sanahay, in xisbiga kulmiye lagu doortay horumarkii iyo qax-qabadkii uu dalka ka hirgeliyey, ee aad bud-dhiga u ahaydeen. Waxaan aamin-sanahay, in aynu xaqiijinnay himilooyinkii iyo hadafkii aynu lahayn, xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba.
Mudaneyaal iyo marwooyin,
Sharaf weyn ayay ii tahay, aniga ka madaxweyne ahaan, iyo idinkaba, in mar labaad xisbigeenii uu ku guulaysto hoggaaanka talada dalka. Sumcada iyo wanaagga aan maanta kaga tagay qarankan, idinkaa sabab u ah. Hoggaamiyayaashu way kala nasiib badan yihiin, ama way kala cawo iyo ayaan badan yihiin.
Kumaan khasaarin, isla markaana Eebbe iguma xilin, in aan idiin cugtay ama idiin magacaabay in aad noqotaan kaaliyayaashaydii.
Sidaa darteed, waxaan jecelahay in aan dhammaantiin idiinka mahadceliyo, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad u gudateen xilkii qaranka, isla markaana aad iila soo shaqayseen, iina garab is-taagteen.
Mudaneyaal iyo marwooyin
Sida aad la socotaan, waxaynu ku jirnaa xilli kala guud ah, oo aynu xilkii qaranka ku wareejinayno, madaxweynaha cusub ee la doorta, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, waxaan idin farayaa in mas’uul waliba deg-deg u diyaariyo, xil wareejintii looga baahnaa.
Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in waqtiga kala guurka ah, la ilaaliyo hantida qaranka. xiliga iyo qaabka xil-wareejinta oo sharaxaad dheeraad ah laga bixiyo, gun iyo gebo-gebo, waxaan idinkaga tegayaa niyad sami, mustaqbal wacan, madaxtinimo iyo duco”. ayuu yidhi, Madaxweyne Siilaanyo.
Alle Ayaa Mahad Leh