X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Xilka Ka Degaya Oo Ka Qaybgalay Aaskiisii Ugu Danbeeyay Ee Sagootinka Xilka

#Araweelo_News_Network.
Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay aaska marxuum Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo ahaa la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, isla markaana ahaa Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye.
Marxuumka oo si maamuus ah loogu sameeyay Marxuum Cabdinajax Siyaad., wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada haldoorka ee bulshada aad ugu xidhan, waxaana Madaxweynaha ka sokow aaskiisa oo xabbaalaha Masalaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan iyo dadweyne tira baddan oo ka mid ah shacbiga Magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, waxa aaska  loo sameeyey Marxuum Cabdinajax Siyaad waxa madaxweynaha kala qaybgalay madax ka tirsan hay’addaha kala duwan ee qaranka, xildhibaanno, saraakiil ka tirsan Xisbiga KULMIYE, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah,
 Marxuumka waxa  Eebbe looga baryey inuu janooyinkiisa ka waraabiyo.
Marxuumka, waxayna ka tacsiyeeyeen qoyskii, ehelkii,asxaabtii iyo bulshada  uu ka baxay Cabdinajax Siyaad, maadaama marxuumku sidoo kale, ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee xisbiga KULMIYE iyo la taliyaha madaxwaynah, isagoo marxuumku ku suntanaa dal dhis iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Marxuumka ayaa loogu duceeyay in Allah u denbidhaafo  oo naxariistiisa iyo janafardawsa ugu deeqo.
Dhinaca kale, Tafaftiraha Shabakaddaha wararka ee Araweelo_News_Network, Carraale M. Jaaamac iyo dhammaan maamulka iyo hawlwadeenada Shabakaddaha Araweelo_News_Network, waxay tacsi u doytaan qoyskii, Ehelekii, asxaabtii iyo bulshada Somaliland geerida ku timi Maxruum Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, waxayna Allah uga baryayaan denbidhaaf iyo in uu rabi janafardawsa ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post