Araweelo News Network

Recep Tayyip ErdoganAnkara (ANN)Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa uga hanjabay dalalka Midowga Yurub in uu xuduudihiisa u furi doono boqolaal kun oo muhaajirihiin ah oo doonaya inay u talaabaan Yurub.

Digniintaasi ayaa ka dambeysay markii uu Baarlamaanka Yurub u codeeyay in la joojiyo wadahadalada ku aaddan xubinnimada Turkiga, maadaama sida midawga Yurub sheegay ay xukuumadda dalkaasi awood xad dhaaf ah u adeegsaday dadka lagu tuhunsan yahay isku daygii afgembi ee July 2016.

Madaxweyne Erdogan, ayaa ku eedeeyay Midowga Yurub in uu ka baxay ballanqaadyo uu hore ugu sameeyay Turkiga.

Labada dhinac, ayaa horay ugu heshiiyay in Ankara ay joojiso muhaajiriinta kasoo gudbeysa xuduudaheeda, taa bedelkeedana loo dedejin doono wadahadalada xubinnimada Midowga Yurub.

Heshiiskaasi ayaa aad hoos ugu dhigay tirada muhaajiriinta ee u gudbayay waddamada Midowga Yurub.