X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Turkiga Oo Sheegay In Aanu Jirin Xisbi Haysta Aqlabiyada Doorashada Loo Xanbaariyay Guuldarada Iyo Jawaabta Mucaaradka

Ankara(ANN) Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Tayid Erdogan, ayaa sheegay in aanu jirin Xisbi helay guul doorashadii ka dhacday dalkaa ee lasoo gebagebeeyay, taas oo Xisbigiisa talada dalka Turkiga haya ee AKP, ku waayay aqlabiyadii uu ku lahaa baarlamaanka dalkaasi 13-kii sano ee lasoo dhaafay. Kadib Doorashadii shalay ka dhacday dalkaa oo guuldaro soo waajahday.

Xisbiga AK ayaa helay boqolkiiba 41 codadkii la dhiibtay, waxaan ra’iisul wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, uu sheegay in ay iska cadahay in xisbiga uu ku guuleystay doorashada, isagoo ugu baaqay dhammaan axsaabta siyaasadda in ay ka qeyb qaataan hannaanka lagu cusbooneysiinayo dastuurka dalkaasi.

Hoggaanka xisbiga u janjeedha dhinaca Kuurtiyiinta ee HDP (People’s Democracy Party), oo helay wax ka baddan boqolkiiba 12 codadkii la dhiibtay markii ugu horeysay taariikhda, wuxuu ka mid noqonayaa baarlamaanka Turkiga, wuxuuna meesha ka saaray inay wax xulafo ah ama iskaashi ah la sameeyaan xisbiga talada haya ee AK Party, iyadoo masuuliyiinta xisbiga HDP sheegeen in la gaadhay waqtigii la wiiqi lahaa awooda xisbiga talada haya ee Turkiga.

“Wax xulafo ah lama yeelanayno xisbiga talada haya sii uu u helo aqlabiyada baarlamaanka, markaa waxa la joogaa waqtigii meesha laga saari lahaa in awooda Turkigu ku ururto xisbi qudha.” Sidaa waxa yidhi hoggaamiyaha xisbiga HDP Mr. Selahattin Demirtas.
Natiijada doorashada ayaa u muuqata in ay caqabad ku noqon doonto Madaxweyne Rajab Tayid Erdogan, oo wata qorshe uu ku bedelayay dastuurka Turkiga, si uu u ballaadhiyo awoodihiisa, isla markaana fursad u siin lahayd inuu noqdo xisbiga qudha ee awood u leh inuu keligii ka arrimiyo talada waddanka Turkiga, balse waxa uu hadda u muuqdaa inuu guuldaraystay.
Dadweynaha isu diwaangeliyey doorasharadaas ayaa tiradooda lagu sheegay 54 milyan oo qof, iyadoo 550-ka kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Turkigu, xisbiga muxaafidku dedaal ugu jiray sidii uu u heli lahaa 276 kursi oo ah aqlabiyada guud ee baarlamaanka, balse waxa hadda waajahday guuldaro, taas oo ka dhigay in aanu xisbina haysan aqlabiyad. Sidaa awgeed ay suurta gal tahay in dib loogu celiyo doorashada haddii ay diidaan axsaabta mucaaradku inay dawlad wadaag ah la sameeyaan AK.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post