X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Turkiga Oo Digniin Culus Kasoo Saaray Safaaradda Maraykanka Ee Loo Rararayo Magaalada Qudus

Araweelo News Network

Turkish President Recep Tayyip Erdogan (photo by AFP)

Ankara(ANN))- Madaxweynaha dalka Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku hanjabay in dalkiisu uu gebi ahaanba xidhiidhka u jari doono Israa’iil, haddii Mareykanku u aqoonsado magaalada Qudus inay tahay caasimadda Yuhuudda.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in arrintaasi Muslimiinta dunida uga dhigan tahay in Mareykanku khadka cas ka tallaabay.

Dalal badan oo dunida ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump in aannu qaadin tallaabadaas oo lagu sifeeyey mid khatar weyn xambaarsan.

Madaxweyne Trump ayaa la sheegay uu arrintaas ku dhawaaqi doono Arbacada maanta, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyey markii uu ku jiray ololaha doorashada.

“Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad cas ay uga dhigan tahay Muslimiinta,” ayuu yidhi Erdogan oo khudbad ka jeediyey telefishinka dalkiisa .
“Waxay arrintaasi horseedi kartaa in aannu calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa’iil,” ayuu sii raaciyey Recep Tayyip Erdogan oo hoggaamiya Turkiga oo ah dalka ugu xoogga weyn waddamada islaamka.

Haddii xukuumadda Washington u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, wuxuu noqonayaa Maraykanku dalkii ugu horreeyey ee sidaa sameeya tan iyo markii la alkumay xukuumadda Yuhuudda sannadkii 1948.

Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967, waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

Maamulka Yuhuudda ayaa u arka magaalada Qudus inay waligeed ahaan doonto caasimaddooda oo aan la kala qaybin karin. Sidoo kale, Falastiiniyiinta ayaa iyaguna dhankooda waxay u arkaan Bariga Qudus inay tahay caasimadda dalka ay mustaqbalka yagleeli doonaan.

Madaxweyne Trump ayaa markii uu ololaha doorashada ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ee Israa’iil ka rari doona magaalada Tel Aviv, una wareejin doono Qudus

Xukuumadihiii kala dambeeyey ee Maraykanka waxay tan iyo 1948kii taagnaayeen in mustaqbalka magaalada barakaysan ee Qudus lagu go’aamiyo wadahadal, arrintanna aanay ahayn mid saamayn ku yeelan karta waxa ka soo bixi doona wadahadalladaas.
Dunidu maxay ka tidhi arrintan?

Faranisiiska: Madaxweynaha Faransiiska Mr. Emmanuel Macron, ayaa u sheegay Donald Trump inuu ka walaacsan yahay in hoggaamiyaha Mareykanku uu iskii ugu aqoonsado Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, isagoo tibaaxay in taasi ku iman karto oo keli ah wadahadal dhexmara dhinacyada Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta.

Midowga Yurub ayaa ka digay cawaaqib-xumo iyo cadho ka timaad ra’yul-caamka qayba badan oo ka mid ah dunida.
Jaamacadda Carabta ayaa ku tilmaantay tallaabo khatar ah oo caawaaqib daran reebi karta.

Sacuudiga ayaa sheegay in arrintaasi saameyn ku yeelan karto tubta nabadda.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas, ayaa hoggaamiyayaasha dunida ka dalbaday inay arrintan soo farageliyaan, isagoo sheegay in tallabdaasi burburin karto hanaanka nabadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jordan, ayaa uga digay dawladda Maraykanka dhibaato aad u culus oo ka dhalata haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post