X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Turkiga Erdogan Oo Ku Tilmaamay Shurruudaha Lagu Xidhay Dalka Qatar Kuwo khilaafsan Sharciga Caalamiga Ah

Araweelo News Network

Turkish President Recep Tayyip Erdogan (photo by AFP)


Ankara(ANN)- Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa si kulul u dhaleeceeyay shuruudaha ay dalalka Sucuudigu hoggaamiyo ku xidheen xukuumadda Qatar, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah, sababta oo ah buu yidhi waxay farogelin ku yihiin Qaranimada dalkaas.

Qatar ayaa ku tilmaantay shuruudahaa oo ay ka mid yihiin in ay hoos u dhigto xidhiidhka ay Iran la leedahay, in ay xidho Tv-ga Aljazeera iyo in ay xidho saldhigga ciidamada Turkigu ku leeyihiin dalkaas kuwo aan suurtogal ahayn oo aan marnaba dhacayn.

Todobaadkii hore , waxay xukuumadda Ankara ballan qaaday in ay xoojin doonto ciidamada ka jooga Qatar. Waxayna Ankara markab siday shixnad cunto ah sida u dirtay magaalada Dooxa oo ah xarunta dalka Qatar ee ay go’doomiyeen Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar, kuwaas oo ku eedeeyey in ay maalgeliso argagixisada.

Balse xukuumadda Qadar, ayaa eedaymahaa ku tilmaantay kuwo aan waxba ka jirin oo mala awaal ah, waxayna sheegtay in aanay xidhiidha ay la yeelanay dunida kale cidna uga haybadaysanayn.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post