X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Turkiga Erdogan Oo Diiday casho-sharaf ay Qaramada Midoobay Ku Lahaayeen Hoggaamiyayaal Waaweyn Iyo Sababta Uu Cuskaday

President of Turkey, Recep Tayyip Erdogan delivers a speech at the 74th session of UN General Assembly in New York, United States on 24 September, 2019 [Murat Kula/Anadolu Agency]


New Yor(ANN)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa giriifay kulan casho-sharafeed ah oo Qaramada Miboobay ka dhacay, kaas oo ay wada lahaayeen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, Haweenayda Dalka Jarmalka Hoggaamisa, Angela Merkel iyo madaxweynaha Poland Andrzej Duda.

Madaxweynaha Turkiga oo ah Hoggaamiye ku adag mawqifkiisa iyo hanka Hoggaamintiisa, Mr. Erdogan oo la filayay inuu ku biiro casho-sharaftaa, kadib furitaanka Shirka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, wuxuu diiday inuu fadhiisto miiska Casho-sharafeeda lagu casuumay, isaga iyo dhawr Hoggaamiye, kadib markii uu arkay madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi oo la socda madaxda ay miiska wada fadhiisan lahaayeen.


Wargeyska maalinlaha ah ee kasoo baxa dalka Turkiga ee magaciisu yahay Daily Hurriyet, ayaa daabacay shalay sheekada Madaxweyne Erdogan, wargeyska ayaa sheegay in Erdogan diiday inuu miiska fadhiisto ka dib markii uu qolka galay ee uu arkay in Madaxweynaha Maraykanka Trump oo danaynayay kulanka miiska cashada ee Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu kusoo biiray Madaxweynaha Dalka Abdel Fattah Al-Sisi oo xilligaa miiska lasii fadhiyay Trump.

“Madaxweyne Erdogan wuxuu ka baxay qolka markii uu arkay Sisi oo la fadhiya miis Trump, ”wakaaladda maxalliga ah ee dalka Turkiga, ayaa barta ay ku leedahay Twitterka ku qortay sidaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka mid ahaa hoggaamiyayaasha naadirka ah ee Islaamka ee ugu hadala cad dunida Islaamka, ayaa si cad u naqdiyey xukunka Sisi tan iyo markii uu xukunka kala wareegay madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo doortay, Maxamed Morsi, inqilaabkii 2013, wuxuuna Qaramada ugu baaqay inay bilaabaan baadhitaan rasmi ah oo ku saabsan geeridii Madaxweynihii la inqilaabay ee Morsi oo dhowaan la sheegay inuu xabsi ku yaal dalkaa ku dhintay, kaas oo xabsiga ku jiray tan iyo markii uu dalka Inqilaab Milatteri ku qabsaday Abdel Fattah Al-Sisi lix sannadood ka hor.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post