X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Oo Gaadhay Magaalada Kala Qaybsan Ee Gaalkacayo

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) oo xalay ku hoyday magaalada Boosaaso ee Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa  maanta gaadhay Magalada  Gaalkacyo ee u kala qaybsan Maamul goboleedyada Puntland Iyo Galmudug.

Maxdaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo maamulmihii u danbeeyay ku sugnaa dhinaca Maamul goboleedka Puntland, wuxuu dadkii kusoo  dhoweeyey Gaalkacyo u sheegay in uu doonayo inuu ka shaqeeyo nabadda iyo is dhex galka Gaalkacyo, isgaoo  intaa ku daray in uu rabo in Gaalkacyo ay noqoto halka ay ka bilaabanayso dib u heshiisiinta, maadaama ay tahay magaalo kala qaybsan.

Wararka la xidhiidha booqashada Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegaya in shacabka labada dhinac ee Gaalkacyo ay soo wada dhoweeyeen, balse waxa la sheegayaa in isu socodka gaadiidka uu aad u yaraan Sababo la xidhiidha xiisada labada Maamul ee ka taagan halkaa, iyadoo goobaha ganacsiga Iyo kuwa Waxbarashadu dhammaan xidhnaayeen.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa caawa ku sugan dhinaca Woqooyiga Gaalkacayo ee maamulka Puntland ka taliyo, waxaana  la filayaa  in isaga iyo wafdigiisa ay caawa halkaa ku hoydaan.

Ciidan ka kala socday Woqooyiga oo dhinaca Puntland raacsan  iyo Koonfurta Gaalkacyo oo maamulka Galmudug ah, ayaa si wadajir ah u sugaya amaankiisa, waxaana lagu wadaad inuu maalinta Berri ah  u gudbo  Koonfurta Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ka taliyo, halkaasoo la sheegay inuu joogi doono ilaa habeen dambe, ka hor inta aanu maalinta Isniinta u ambabixin magaalada Cadaado.

 

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post