X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Khilaafka Dawladdiisa Iyo Maamul Goboleedyada Iyo Arrimo Kale

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hadlay mawqifka Siyaasada xukuumaddiiisa ee ku waajahan khilaafka u dhexeeya maamul goboleedyada iyo dawladda Federaalka, kadib markii ay todobaadkan soo saareen go’aan ay ku shaaciyeen in ay joojiyeen wada shaqayntii ay lahaayeen.

Mr. Farmaajo, wuxuu sidaa ka kal-fadhiga 4-aad ee golaha shacabka oo lagu qabtay maanta Dugsiga tababarka Boolisks ee Janaraal Kaahiye ( School Polizo.) balse aanay kasoo xaaditin xubnaha golahaa isagoo sidoo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in muddo kooban heshiis lagaga gaadhay arrimo ay kamid yihiin qaybsiga khayraadka iyo hannaanka doorashada, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “ Waxa Heshiis laga gaadhay siyaasadda wada xaajoodyada wadaaga khayraadka sida kalluunka, Batroolka,macddanta iyo hannaanka doorashooyinka dalka , waxaa la dardargeliyay qaadista canshuuraha taaso ah jidka kaliya ah ee aan kaga bixi karno gacan hoorsiga shisheeye si shacabka Soomaaliyeed ku helo adeega dowladda” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay isbedelada ka socda gobolka geeska Afrika, isagoo sheegay in lasoo xidho ee Isfahan la’aantii u dhaxaysay dalalka gobolka islamarkaasna ay u gudbayaan marxaladda iskaashiga.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay khilaafka Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, wuxuuna sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar la tahay wada shaqaynta maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle oo sheegay in ay ka noqdeen go’aanka.

“ Guddoomiyeyaasha golaha shacabka Hirshabelle iyo Galmudug waxaan idiin sheegaya in aan diyaar idiin la nahay in aan idiin kala shaqayno danta guud” ayuu yidhi. Madaxweyne Farmaajo.

Hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa sheegay inay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay dowladda dhexe kaddid markii shir ay kusoo gabagabeeyeen magaalada Kismayo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post