X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland, Shirgudoonka, Madaxda Axsaabta Iyo Boqolaal Shacab Ah Oo Ka qaybgalay Aaska Taliyihii Ciidanka Booliska

Aaska Taliyihii Booliska Somaliland

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo maanta xabaalaha masallaha ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Aaska Taliyihii Booliska Somaliland 2 Nov 2019,Hargeysa

Aaska qaran ee loo sameeyey taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa waxa  madaxweynaha kala qayb-galay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliyayaal katirsan ciidamada kala duwan ee qaranka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, salaadiin, culmimaa’udiin iyo badiba haldoorka reer Somaliland, waxana  salaadda jinaasada lagaga tukaday masaasjika Sheekh Mustafe ee magaalada Hargeysa.

Aaska Taliyihii Booliska Somaliland 2 Nov 2019,Hargeysa

Ugu horrayn qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka oo hadallo kooban ka jeediyey goobta Aaska, ayaa marxuumka  Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxana ay tacsi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo ciidanka Booliska ee uu taliyahooda ahaa.

Aaska Taliyihii Booliska Somaliland 2 Nov 2019,Hargeysa.

Guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii uu marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan ka baxay iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxana ay ku dheeraadeen doorkii uu ku lahaa dhismaha nabadda.

Aaska Taliyihii Booliska Somaliland 2 Nov 2019,Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo xabaasha dusheeda ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu marxuumku kamid ahaa bud-bigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntooda, isaga oo wasiirku tacsi u diray ciidamada Booliska iyo ehelladii uu marxuumku ka baxay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ka hadlaya Aaska Taliyihii Booliska Somaliland 2 Nov 2019,Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada.

Aaska Taliyihii Booliska Somaliland 2 Nov 2019,Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum Cabdilaahi Fadal uu noloshiisa u huray hirgelinta nabadda iyo dhismaha ciidamada Booliska Somaliland, “Ninkaasi intii uu noolaa qaranka uun buu u shaqaynayey, soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Somaliland maalintii la Aas aasay ilaa iyo maanta waxan u malaynayaa nabadgelyada nin la mid ah mooyaane nin uga badsaday dhisiddeeda iyo ilaalinteeda inaanu jirin, sarkaal hoose ayuu kasoo bilaabay iyada oo aannu xabsi jirin, ilaa maanta uu ciidanka dhan ee uu sarreeye gaaska ka ahaa ka dhismay, intaas oo taliye oo soo shaqaysayna hawlgelinta ayuun buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Aaska Taliyihii Booliska Somaliland 2 Nov 2019,Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah u xusay sifooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Marxuumku lahaa waqtiyadii uu shaqada ku jirey, waxana uu yidhi, “Telefoonkiisu ma damaynin, ma seexanayn, ma nasanayn oo nabadgelyada uun buu u taagnaa hadh iyo habeen, Ilaahayna wuu ka abaalmarin doonaa, Taariikh ifka oo wanaagsan oo halgan uu dalkiisa dhisayna wuu leeyahay.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post