X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Xaqiijiyay Sii Daynta Maxaabiista Dagaalka Iyo Furutaanka Dariiqa Ganacsiga

Madaxweynaha Somaliland Ayaa Daah-furay Shirweynaha Qaran Ee Ganacsiga

Written by Arraale M. Jama

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay sii wadi doonaan qorshayaasha ay xukuumaddiisu ku xoojineyno nabada guud, gaar ahaan bariga Gobalka SOOL.
“Waxaanu mudnaanta koowaad siin doona sii deynta Maxaabiista iyo sidii dib la iskugu furi lahaa isku socodka Bulshada iyo Ganacsiga “ayuu yidhi, Madaxweyne Cirro oo maanta ka qayb galay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada yaryar iyo kuwa Dhexe ee Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu madasha ka sheegay inay ahmiyada siinayaan isu socodka ganacsiga, gaar ahaan Bariga Sool, isla markaana ay sii deynayaan maxaabiista dagaalka si loo helo jawi amni oo ganacsigu marki karo oo isugu gudbi karo.
Muuqaalka Khudbada Madaxweynaha Somaliland
Dhinaca kale, Shirweynaha oo lagu qabtay Huteel Ambassador waxa soo agaasimay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ayaa ujeeddada guud ee laga leeyahay lagu sheegay in Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo kuwa Dhexe waxa uu ahaa:
1. In Qaran ahaan si cad la isula garto muhiimadda uu koboca dhaqaale ee dadkeena ay u leeyihiin horumarinta ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
2. In si cilmiyeysan loo derso caqabadaha kala duwan ee haysta ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
3. In la isku xidho dadka hal abuur ganacsi la yimaadda, hay’adaha wax la taliya, iyo hay’adaha wax maal-galiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-weynaha ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay in ay dadaal dheeraad ah geliso xoojinta dhaqaalaha dalka, iyo in uu horumarku noqdo mid ay dhammaan dhinacyada dhaqaaluhu isla jaan-qaadayaan.
Madaxweynaha JSL mar uu ka hadlayay muhiimadda ay Qaranka u leeyihiin Ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe waxa uu yidhi:
“Ganacsiga yaryar iyo kuwa dhexe ee dalku, horumar la taaban karo ayuu sameeyey muddadii uu Qarankani jiray. Waxaanu maanta yahay laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland. Waxa ay saami muuqda ku leeyihiin ilaha ay ka soo baxdo Miisaaniyada guud ee Qaranka JSL, iyo Miisaaniyadda degmooyinkaba.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu tilmaamay in ay jiraan caqabado badan oo aan la dhayalsan karin oo hor yaalla ganacsatada dabaqadda dhexe iyo kuwa hoose ee dalka. Caqabadahaa waxa ka mid ah helitaanka fursadaha maalgelinta iyo deymaha oo ku adag, nidaamka maamulka ganacsiga iyo shuruucda oo mararka qaarkood xakame ku noqda ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan caqabadahaasi wax laga qaban doono, waxana uu yidhi:
“Waxa aanu aaminsannahay in ganacsigu uu yahay jidka loo maro horumarka iyo badhaadhaha dalka, sidaas awgeed waxa aanu dib u eegis ku samayn doonnaa, meeshana ka saaraynaa caqabad kasta oo dib u dhigi karta abuurista ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.”
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in uu rajaynayo in Shir-weynahan Qaran ay ka soo bixi doonto natiijo ka turjumaysa hal-ku-dhigga loo dooray Madashan oo ah in la helo afkaarta lagu curinayo siyaasadda, aqoonta iyo maaliyadda lagu xoojinayo ganacsiyada yaryar iyo dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland si looga hor qaado caqabadaha hor yaalla.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha JSL, waxa uu faray Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo Hay’adaha kale ee arrimaha ganacsiga la xidhiidhaba in ay kordhiyaan wacyigelinta bulshada taasoo muwaadiniinta lagu baraarujinayo in ay ficil ahaan iyo farsamo ahaanba yeeshaan dhaqan maalgashi iyo hal-abuur ganacsi.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post