Araweelo_News_Network.
Hargeysa (ANN)_-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu Daahfuray Siyaasadda iyo Manhajka Waxbarasho ee Xabsiyada Somaliland.
Wasaaradda Caddaalada ayaa soo diyaarisay Manhajka Waxabasho ee Xabsiyada. Iyadoo la kaashanay Wasaaradaha Caddaalada, Waxbarashada iyo Diinta iyo Awqaafta.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Dayr, ayaa qoraal saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Madaxweynahu oo munaasibadda ka jeediyey hadal uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadani ay daliil cad iyo astaanba u tahay sida ay Xukuumada 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐉𝐈𝐑 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐀𝐗-𝐐𝐀𝐁𝐀𝐃 uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, dib-u-habaynta xabsiyada dalka, iyo fududeynta dhaqan celinta maxaabiista xukuman.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay tahay markii ugu horreysay ee la hirgelinayo nidaam waxbarasho oo habaysan oo ka dhex jira Xabsiyada Somaliland, taasi oo hubinaysa in maxaabiistu helaan fursado waxbarasho oo awood u siinaya inay noqdaan dad shaqaysan kara marka ay Xabsiga soo dhamaystaan.
“Manhajkani waxa uu maxaabiista siinayaa fursad ay ku horumariyaan aqoontooda iyo xirfadahooda, taasoo gacan ka geysan karta in ay si wanaagsan u dhex galaan bulshada marka ay soo dhamaystaan xabsiga.”ayuu yidhi, Madaxweyne Cabdiraxmaan.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Xukuumad ahaan ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Somaliland, horumarinta xirfadaha iyo helida fursadaha Shaqo, isagoo yidhi,
“Helitaanka waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, waxaana la hirgelinayaa barnaamijyo waxbarasho oo xabsiyada ka jira si loo xaqiijiyo arrintan. Dad badan oo Xabsiyada ku jira ma haystaan waxbarasho rasmi ah ama xirfado shaqo. Barnaamijkan wuxuu bixin doonaa waxbarasho aasaasi ah, tababaro xirfadeed, iyo barashada anshaxa si loo kordhiyo fursadahooda shaqo marka ay xabsiga kasoo baxaan.”
Afhayeenka ayaa intaa ku daray warka uu kaga hadlay munaasibada in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland sheegay in Daahfurka Siyaasadda iyo Manhajka Waxabasho ee Xabsiyadu ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo nidaamka caddaaladda dalkeena, iyada oo diiradda la saarayo dib-u-habaynta Xabsiyada iyo dhqan celinta Maxaabista.
Muuqaalka Xaflada Madaxweynuhu ka qaybgalay
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com