X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ballaadhan Oo Ka Socday Hay’adda Nabadda ee Dalka Yemen

Araweelo News Network

 

Shahaado sharaf lagu maamuusay Madaxweyne Siilaanyo

Hargaysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sarre oo ka socday hay’adda nabadda iyo isdhex-galka bulshada ee dalka yemen, waftigani ayaa madaxweynaha Somaliland, uga yimid sidii wanaagsanayd ee ay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland usoo dhaweeyeen qaxoontigii ka yimi dalka yemen ee soo gaadhay Somaliland, waxaanay madxweynaha gudoonsiyeen shahaado sharaf ay ugu magac dareen shahaadada nabadda iyo horumarinta iskaashiga dunida.

Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa sheegay in waftigani si weyn ugu faraxsanyihiin qaabilaada wanaagsan ee ay kala kulmeen madaxwayne, Axmed Maxamed Silaanyo waxaanu yidhi “Waxay waftigani ugu yimaadeen Madaxweynaha inay uga mahad celiyaan sidii wanaagsanayd ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo dhawaysay qaxoontiga yemen ka soo bara-kacay, waxaanay madaxweynaha siiyeen shahaado sharaf la yidhaahdo shahaadada nabadda iyo soo dhawaynta, aad baanay ugu farxeen sidii wacnayd ee aynu u qaabilnay dadkaasi yemeniyiinta ah mudadii ay halkan joogeen, iyagoo ku tilmaamay in aanay dareemayn inay meel kale joogaan waxaanay u arkayeen dad dalkoodii oo kale jooga, taas ayay ugu yimaadeen madaxewynaha” ayuu yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Yemen.

Dhinaca kale Guddomiyaha hay’adda Nabadda iyo horumarinta bulshada ee dalka Yemen ahna hogaamiyaha watay waftigani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha JSL sida wanaagsan ee uu u soo dhaweeyay qaxoontigii tiradda badnaa ee ka soo jeeday dalkooda isagoo sheegay in ay Yemeni ay abaal weyn u hayso Somaliland waxaanu yidhi ““ Xaqiiqdii waxaannu madaxweynaha sharafta leh ugu mahad-naqnay sida wanaagsan ee lanoo marti sooray iyo qalbiga wanaagsan ee uu nagu qaabilay, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland daryeelka iyo sharafta aannu kala kulanay, taasina maaha wax ku cusub shacbiga Somaliland balse waxa jira xidhiidh dheer oo hore, kaas oo isku kaayo xidha, oo ah xidhiidh walaalnimo, xidhiidh jaar-nimo, iyo xidhiidhka qoys kaliya ayaa naga dhaxeeya annaga iyo Somaliland.

Waxaannu ka mahadnaqaynaa taageerada Xukuumadda Somaliland ay siiso jaaliyada Yemen, hadii aannu nahay hay’ada Jacaylka iyo nabadda bulshadda, waxaanu Jamhuuriyadda Somaliland u aragnaa dal nabad iyo jacayl ku dhisan, waxaanu Madaxweynaha sharafta leh, Allaah ha xafidee gudoonsiinay shahaadada nabadda iyo Jacaylka, taas oo salka ku haysa dadaalkiisa iyo go’aamadiisa bini-aadamnimo ee uu qaatay gaar ahaan dadka Yemaniyiinta ah. Markii ay dalal badani albaabadooda ay xidheen wakhtigii colaadii iyo dagaalkii Yemen ka dhacday, Somaliland waxa ay ahayd xudunta dalalkii na qaabilay, waxaanay ahayd dalkii koowaad, sida Jamhuuriyadda Jabuuti oo kale”.

Ugu danbayntii waftigani ayaa Madaxweynaha guddonsiiyay shahaado sharaf ay sheegeen inuu madaxwaynuhu ku mutaysatay qaabiladii quruxda badnayd ee uu u fidiyay dadka qaxoontiga ah ee reer yemeneed.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post