X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiska Ku Qaabiley Maamulaha Guud Ee DP World

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday shirkada DP World oo uu hoggaaminayey maamulaha guud ee dekedaha ay xukunto DP World, Mr. Sultan Ahmad Sultan Bin Sulayem oo maanta booqasho ku yimid Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha iyo balaadhinta dekeda berbera, suuqa xorta ah (free zone), waxa kale oo laga wada hadlay sidii dhalinyarada reer Somaliland loogu furi lahaa suuqa ganacsiga ee imaaraadka si ay ugu shaqo tagaan halkaasi, waxa kale oo iyana lagu soo qaaday xaalada abaaraha gobolada dalka ka jirta sidii ay gacan uga geysan lahayd DP World iyo arrimo badan oo ay ugu horayso in dhakhso loo hirgeliyo dhammaan mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland iyo DP World ku heshiiyeen, waxaanu madaxweynuhu fariin baaqa u diray imaaraadka carabtu inay dhinacooda gacan ka geystaan xaalada abaarta ee ku soo noq-noqotay Somaliland.

Gebegebadii kulankana waxa labada dhinac ay is gudoonsiiyeen hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin agabka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, halka DP World na ay madaxweynaha uu gudoonsiiyey sultan hadyad ay ka mid tahay doonta astaanta u ah shirkadooda DP World, sidoo kale waxa ay madaxweynaha u sharxeen qaabka balaadhinta dekeda berbera oo ay khariirad ahaan ku muujiyeen.

Madaxweynaha, waxa kulankaa ku weheliyey wasiirada wasaaraddaha, Arrimaha Dibeda, horumarinta Maaliyada, horumarinta Maalgashiga, horumarinta qorshaynta qaranka, maareeyaha dekeda berbera iyo safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta.

Markii kulanka laga soo baxayna waxa faah-faahin ka bixiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo Maamulaha Shirkada DP World, Sultan Axmed Bin Sulayem.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post