X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga KaJaray Dhismayaal Loo Sameeyay Hay’addo Kala Duwan

Madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo loo sameeyay Hay'addo qaran

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo xukuumaddu u dhistay guddida qandaraasyada qaranka iyo hay’adda  U diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo lagu soo dhowaynayo si uu xadhiga uga jaro dhismayaal loo dhisay Hay’addo Qaran, Hargeysa, 26 Oct, 2019.

Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu saaka xadhigga ka jaray dhisme casri ah oo loo bineeyey guddida qandaraasyada qaranka, waxana munaasibadda xadhig-ka-jarista hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha guddidaas, Mudane Nuux Maxamed Xuseen, isaga oo madaxweynaha uga warbixiyey dedaalka qaranku geliyey inay guddidaasi yeelato dhisme gaar ah.

Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo lagu soo dhowaynayo si uu xadhiga uga jaro dhismayaal loo dhisay Hay’addo Qaran, Hargeysa, 26 Oct, 2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadalka qaatay, ayaa si mug leh u ammaanay  hawsha ay guddida qandaraasyada qaranku bulshada u hayaan iyo sida daah-furnaanta leh ee ay bulshada ugu adeegaan, isaga oo xusay inuu madaxweyne ahaan la dhacsan yahay shaqada guddidaas iyo adeegga ay bixiyaanba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo guddoomiyaha guddida Qandaraasyada Mudane Nuux Maxamed Xuseen guddoonsiiyay shahaado-sharaf. 26 Oct, 2019, Hargeysa.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah iyo bakhaar keydka Raashinka loogu talo galay oo loo dhisay hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, waxana xarunta kusoo dhaweeyey shaqaalaha hay’addaas oo uu horkacayo guddoomiye Faysal Cali Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo lagu soo dhowaynayo si uu xadhiga uga jaro dhismayaal loo dhisay Hay’addo Qaran, Hargeysa, 26 Oct, 2019.

Madaxweynuhu waxa kormeeray dhismayaasha cusub  iyo Bakhaarka keydka Raashinka ee loo dhisay hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka qaranka, kadibna waxa uu xidhigga ka jaray dhismayaashaas xukuumaddu hirgelisay.

Guddoomiyaha Hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, Mudane  Faysal Cali Sheekh oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay hay’addaasi qaranka u leedahay iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee ay ka qaadatay masiibadii SAGAR ee dhawaan ka dhacday gobollo kamid ah dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ka hay’ad ahaan xil weyn iska saareen sidii loo heli lahaa keyd Raashin oo qaranku kaga bixi karo  xaaladaha adag ee soo waajaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka qaranka iyo Keydka Raashinka, waxana uu bulshada usoo jeediyey inay garab galaan, “Waxannu hambalyeynaynayaa oo ku ammaanaynaa hawsha ay qaranka u qabteen hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, dad isku tashaday oo midoobay uun baa ka hortegi kara Aafooyinka iyo dhibaatooyinka, dad tafaraaruq ah oo is wada khilaafsani meel gaadhi maayo, hay’addanina waannu ugu mahadnaqaynaa keydka yar ee ay sameeyeen, dhulka ay beereenna dedaalkoodu ma yara oo in lala shaqeeyo ayey u baahan yihiin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi tawfiiq

Nasir Yusuf Dahir, Director of the Media Department in the Office of the President Republic of Somaliland

ناصر يوسف ضاهر ، مدير إدارة الإعلام في مكتب رئيس جمهورية أرض الصومال

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post