X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyey Magaalada Burco

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo xadhiga ka jaray

Burco(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo  kuwo cusubna xadhigga ka jaray.

Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose ee Burco oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer, isaga oo xadhigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo xadhiga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium ee Burco 16 Sep 2019

Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha dawladda ee uu kormeeray iyo kuwa uu xidhigga ka jaray, kuwaas oo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo xadhiga ka jaray Cusbitaalka Booliska Gobolka Togdheer 16 Sep 2019

Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada, waxana ay si kal iyo laab u soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa hawlaha shaqo halkaas u jooga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo kormeeraya mashaariic xarunta gobolka Togdheer ee Burco 16 Sep 2019
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post