X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Jaamacadda Hargeysa Kadib Markii Uu Ka Qaybgalay Xaflad Lagu Qabtay

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa ka qaybgalay Xaflada qalinjebinta Jaamacada Hargeysa oo ay maanta 04/09/2016, ka qalinjebiyeen dufcadii 13aad ee wax ka barata sanadihii u dambeeyey, ardayaasoo tiradoodu dhamayd 862, kana qalinjebiyey kulliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacadu.

Xaflada Qalinjebinta Ardayda dhamaysay waxbarashadii Jaamacada ee uu madaxweynuhu ka qaybgalay ayaa markii uu soo gaadhay xayn daabka Jaamacada oo ay ku sugnaayeen waalidiin iyo dadweyne tiro badan oo halkaasi ku sugayey inay arkaan ubadkii ay mudada ku soo tabcayeen maantana dhamaystay aqoonta heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacada (Degree), waxaanay sacab iyo sawaxan ku qaabileen madaxweynaha qaran oo ay wehelinayeen masuuliyiin kala duwan kana mid ahaa gudoomiyaha xisbi xaakimka kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska gaar ahaan ciidanka Bonboyda oo halkaasi ku sugnaa, ka dibna madaxweynuhu waxa uu u gudbay hoolkii ay ka socotay xaflada qalinjebintu.

Markii uu mdaxweynuhu halkaasi gaadhay waxa si toosa loo gudo galay ujeedada munaasibada waxaana hadalo halkaa ka jeediyey, Maamulka Jaamacada, macalimiinta, xubno ka mida waalidiinta iyo gudida sare ee jaamacada hargeysa, waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiinta xisbiyada qaranka oo ay ka joogeen Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye Muuse Biixi iyo Waddani oo isna uu u hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare garyaqaan Aadan Xaji Cali Axmed, Wasiiru-dawlaha waxbarashada Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey hadalka, madaama oo uu hawlo shaqo ku maqnaa wasiirkii wasaaradda waxbarashadu, dhamaantoodna masuuliyiintaasi waxay ardayda u jeediyeen khudbado ay ugu hambalyeynayeen xaflada qalinjebinta awgeed.

Madaxweynaha Somaliland oo gunaanadkii munaasibada khudbad u jeediyey ardayda qalinjebisay ayaa yidhi “farxad weyn bay ii tahay in aan maanta ka soo qaybgalo xaflada qalinjebinta Ardayda maanta ka baxday Jaamacada Hargeysa University, waa arrin aad iyo aad u weyn, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa Ardyda, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo intii la shaqaynaysayba, tacliintu waa waxyaalaha ugu waa weyn ee dawladdeenu ku dedaalayso weeye, waxyaalaha ugu waa weyn ee qarankani u baahan yahay weeye, waxyaabaha horumarkeena iyo horu-socodka, dadkeenna iyo dalkeenna anfacaya weeye, aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa oon idinku hambalyeynayaa insha Allaa halkaana waynu ugala sii dhawaan doonaa ee dadaalkiina ha ka caajisina”.

Madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyey ardaydii ugu saraysay faculty-gii ay dhigan jireen iyo guud ahaanba ardaydii ugu sareeyey Jaamacada Hargeysa University, Waxa xusid mudan oo uu madaxweynuhu shahaado sharaf ay maamulka jaamacada Hargeysi u garteen uu madaxweynuhu gudoonsiiyey ardaygii ugu dedaalka badnaa jaamacada oo ahaa arday aanu laxaadkiisu dhamayn balse kaalin muhiima ka ciyaaray sidii uu ula tartami lahaa ardaydaa uu ka midka ahaa kana qalinjebiyey maanta jaamacada Hargeysa. Waxa isna Shahaadada PHD, la gudoonsiiyey oo ay ku maamuustay Jaamacada Hargeysa University, Odayga Qaranka Somaliland ugu da’a weyn Xildhibaan, Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo ay ku qiimeeyeen, doorka muuqda ee uu ku leeyahay xaajigu arrimaha nabadaynta iyo waayo aragnimada uu marwalba ku xaliyo xaaladaha la soo dersa dalka, isla markaanu uu madaxweynuhu gudoonsiiyey xaajiga.

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu kormeer ku soo maray, xadhigana ka jaray qaybo cusub oo lagu soo daray Jaamacada Hargeysa University.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post