X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Wen Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea Ee Galbeedka Afrika

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga oo wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure,kusoo dhoweeyay Conakry International Airport 2 july 2019, Araweelo News

Conakry(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maalintii shalay safar shaqo waddanka kaga ambo-baxay, ayaa maanta gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga oo wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure,kusoo dhoweeyay Conakry International Airport 2 july 2019, Araweelo News

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport amaba Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea), waxana halkaa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee gudaha madaarka.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga oo wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure,kusoo dhoweeyay Conakry International Airport, kadina diyaar Helikopter ah lagu qaaday 2 july 2019, Araweelo News

Intaa kaddib, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa madaarka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Guinea

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga oo wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure,kusoo dhoweeyay Conakry International Airport, kadina diyaar Helikopter ah lagu qaaday 2 july 2019, Araweelo News

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta  loogu talo galay madaxda habmaamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Huteelka Kaloum ee badhtamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo berrina toos loo gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee labada Madaxweyne.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post