X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Hargeysa

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)Weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu hoggaaminayey kuna guda jiray safarkii la magac baxay Tabantaabo ayaa maalintii tobnaad ku soo noqday Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey maanta.

Safarkan Madaxweynaha ee Tabantaabo ayaa ahaa mid madaxweynuhu ku soo maray Gobolada, Sool, Sanaag, Saaxil, Daadmadheedh, Togdheer iyo degmooyin hoos taga Buuhoodle iyo Xaysimo, jiidahaasi oo ay abaar baahsani saamaysay, dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaana ay haraad iyo baad la’aani haleeshay.

Madaxweynaha oo xaaladaasi socdaal dheer u galay sidii uu ugu kuurgelinahaa una soo taaban lahaa xaqiiqada ka jirta dhulkaasi ayaa dadka iyo duunyada gaadhsiiyey deeqo kala duwan oo loogu talo galay in lagu taakuleeyo inta jilicsan een awoodin inay u adkaystaan xaalada abaarta.

Weftiga Madaxweynaha oo uu wehelinayey gudoomiyaha xisbi xaakimka Kulmiye ahna Murashaxa doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta bilaha fooda inagu soo haya ayaa isagu safarka kaga hadhay magaalada Ceerigaabo, isagoo ay wehelinayaan Wasiirada Madaxtoooyada, Warfaafinta iyo xubno ka mida guddida abaaraha heer qaran.

Madaxweynaha oo shacbiga ku dhaqan gobolada Sanaag, Saraar, Togdheer, Saaxil iyo Maraadi-jeex kala kulmay soo dhawayn diiran kana turjumaysa hoggaaminta madaxweynaha iyo damqashada dadka iyo duunyada abaartu haleeshay ayaa ku soo dhaweyey madaxweynaha weedho dhiirigelin u ah qof kasta oo muujiya dareen la mid ah ka madaxweynuhu u huray shacbigii u codeeyey oo u baahan taageero iyo in madaxweynuhu la soo arko intii looga sheekayn lahaa siday wax u jiraan kuna sugan yihiin.

muuqal Madaxweyne Siilaanyo oo caleemo ubaxa lagu daadinayo

Madaxweynaha oo shacbiga faray inay tukadaan salaad roob-doona ayaa ay jiraan goobo kala duwan oo roobku ka da’ay salaadaasi ka dib iyadoo madaxweynaha laftiisa uu shalay xidhay dooxa Aw-barkhadle oo isagu ha kiyey isu socodka gaadiidka u kala goosha gobolada galbeedka iyo bariga, weftiga madaxweynuhuna sidaasi awgeed ay ku hakadeen magaalada berbera oo ay u hoydeen kana soo kicitimeen saaka oo Isniin ah.

Markii soo dhawayntaasi balaadhan ay u sameeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa shacbiga ku dhaqan caasimadu waxa saxaafada la hadlay una mahadnaqay dhamaan goobihii madaxweynuhu soo maray dadkii ku soo dhaweeyey gaar ahaan shacbiga caasimada hargeysa ku dhaqan Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) isagoo ka wakiil ah kuna hadlayey afka madaxweynaha qaranka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post