X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardaydii Hormuudka U Ahayd Jaamacadda Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii oo gacan qaadaya Siciid Sulub, (Wasiir xukuumaddi Daahir Rayaale ah), Cabdicasiis Samaale Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumaddii Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Madaxweyne ku xigeenkii Xukuumaddi Marxuum Cigaal ee lagu soo dhisay Boorama 1993, goobtu waa Jaamacadda Hargeysa August 29 2019.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 16-aad ee Jaamacadda Hargeysa ka qalin-jebisa oo dhamaa 883 Arday laguna qabtay isla hoolka Hargeisa University.

Xaflada Dafcadii 16aad ee jamacadda Hargeysa 29 August 2019.

Madaxweynuhu, wuxuu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey mac-hadka nabadda iyo xalinta khilaafaadka, waxaanu soo kormeeray dhismayaal cusub oo ka socda jaamacadda.

Xaflada Dafcadii 16aad ee jamacadda Hargeysa 29 August 2019.

Xafladda qalin-jebinta oo ahayd mid ballaadhan waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo dhammaantood ku dheeraaday horumarka jaamacadda iyo hambalyada Ardayda qalinbisay.

Xaflada Dafcadii 16aad ee jamacadda Hargeysa 29 August 2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay halkaa wuxuu madasha hambalyo u diray ardayda qalin-jibisay, waxaanu ardaydaasi u jeediyey dar-daaran la xidhiidha sidii ay u sii wadan lahaayeen aqoontooda, dalka iyo dadkana uga faa’iidayn lahaayeen.

Dr. Kindeya Gebrehiwot, President of the Mekelle University, 29 August 2019.
Xaflada Dafcadii 16aad ee jamacadda Hargeysa 29 August 2019.

  Madaxweyne Biixi, wuxuu ka hadlay arrimo la xidhiidha qarannimada, isagoo fariina u diray dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo shahaado gudoonsiinaya Ardayad ka mid ahayd Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacadda Hargeysa 29 August 2019.

Gebagebadiina waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii kaalmaha ugu sareeya ka galay jaamacadda Hargeysa (Hargeisa University) iyo masuuliyiin ay jaamacadu ku maamuustay doorkii ay ku lahaayeen jaamacadda horumarkeeda.

Xaflada Dafcadii 16aad ee jamacadda Hargeysa 29 August 2019.

Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Guddoomiayaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, gudoomiyaha Boodhka Jaamacadda Hargeysa, Garyaqaan Cabdisamad Maal, Madaxweynaha Jaamacadda Mekelle University ee dalka Ethiopia Dr. Kindeya gebrehiwot, Maamulaha Xidhiidhka dadweynaha ee shirkada Telesom Maxamed Cabdi Darbo, Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, Xoghaye ku xigeenka xisbiga Ucid, Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax), Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ku hadlayey afka Ardayda qalin-jebisay Maanta iyo Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, Cismaan Jaamac Aadan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post