X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Saraakiil Ciidamadda Qaranka Ka Tirsan

Madaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Saraakiil Ciidamadda Qaranka Ka Tirsan oo soo dhamaystay waxbarasho

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shahaado-sharafeeddo ku maamuusay lix sarkaal oo kasoo qalin-jabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), taliyaha ciidamada qaranka sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyey lix sarkaal oo dhawaan waxbarashada heerka sare ee jaamacadda kasoo bartay dalalka dibadda, islamarkaana ay tiro kamid ahi billado dahab ah ku mutuysteen kaalmo sare oo ay galeen.

Ugu horrayn taliyaha ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horrayn madasha lagu maamuusayey saraakiishan ciidanka qaranka katirsan hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay saraakiishani ciidanka qaranka u leeyihiin iyo sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka uu madaxweynuhu ku maamuusay, waxana uu yidhi, “Madaxweyne nimankani way dedaaleen oo kaalmo sare ayey ka galeen kulliyado ay umaddo badani ku jireen, iyagana waxa farxad u ah inay maanta madaxweynahoodii hor joogaan oo in la ogyahay ay ogaadaan, adiga oo ciidanka aqoon ugu lahaa maantan madaxweyne ah.”

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna madasha saraakiishan lagu maamuusayey ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey muhiimadda uu ciidanka siiyey iyo sida kasha furan ee uu u qaabilay saraakiisha waqtiga badan geliyey inay heerkooda aqooneed kor u qaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa sharraxay muhiimadda ay qaranka u leedahay sida ay saraakiishani magacii iyo maamuuskii dalka iyo kii dadkaba kor ugu qaadeen, isaga oo si weynna ugu mahad celiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa saraakiisha billadaha dahabka ah kusoo qalin-jabiyey, qarankana waxa ugu magac weyn ninka fagaare caalami ah wax dalka lagu xasuusto kasoo saaro, qaran ahaanna aad iyo aad baa la idiinku xasuusan doonaa guushaas aad maanta keenteen ee sharafta, diblomaasiyadda, magac, aqoon iyo maamuuska militeriba ah.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas shahaado-sharafyo uu ku maamuusayo guddoonsiiyey lixdan sarkaal ee katirsan ciidamada qaranka, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin: Gaashaanle Axmed Ciise Axmed, Gaashaanle Siciid Aadan Cabdi, Gaashaanle Maxamed Daahir Jibriil, Gaashaanle Axmed Dagaal Dhimbiil, Gaashaanle Cabdikariin Maxamed Yuusuf, Dhamme Mustafe Cali Maxamed.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post