X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Safar La Xidhiidha Xalada Abaarta ku Jooga Gobollada Bariga

Araweelo News Network

Burco (ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxxamuud (Siilaanyo), ayaa socdaal uu ugu kuurgalayo xaaladda abaarta daran ee ka jirta dalka ugu baxay gobollada bariga oo ay saamayn adag ku yeelatay.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, marwada kowaad ee Madaxweynaha, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, kuwaas oo safarkooda kaga baxay caasimadda Hargeysa gelinkii hore ee shalay, ayaa socdaalkooda ka bilaabay gobollada Saaxil iyo Togdheer oo qayb ka mid ah dhulka abaartu ka jirto.
War qoraal ah oo ka baxay xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha xalay, waxa lagu sheegay in safarkan oo ujeeddadiisu tahay sidii uu Madaxweynaha Qaranku ugu kuurgeli lahaa xaaladda guud ee shacab iyo duunyadaba ku dhibaatoobay abaarta iyo sidii taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka iyo xoolaha tabaalaysan ee la tiicaya haraadka, gaajada, dhaxanta iyo hayaanka ku qabsaday deegaannadii ay deganaayeen ee Gobollada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool oo ku sii kala daran dhibaatada.
Madaxweynuhu markii uu gaadhay gobolka Saaxil waxa uu kulan degdeg ah la qaatay guddida heer qaran iyo heer gobol ee abaaraha dalka oo si wadajira uu uga dhegaystay xaaladda guud ee abaarta gobolkaasi inta ay baaxad ahaan le’eg tahay iyo sida gurmad loo gaadhsiin karo, iyadoo guddiduna warbixin waafiya ka bixisay halka xaal marayo iyo gurmadka socda.
Afhayeenka Madaxtooyada Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay, ayaa ka warramay ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ee xaaladda abaarta iyo gobollada uu mari doono.

Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxmaan Axmed oo ku hadlayey afka Guddiga heer qaran ee abaaraha, ayaa isna faahfaahiyey waxyaabaha ay kagaga wadahadleen kulanka Madaxweynaha la yeesheen, waxaannu yidhi “Waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu abaarta innaga soo jebiyo, xaalad adag ayaa jirta oo sii adkaanaysa, cabashada iyo qayla-dhaantu maalinba maalinta ka damaysa aad ayey u sii adkaanaysaa, guddiduna intii hawshani soo korodhay waxay qabatay hawl aad u ballaadhan, waxaanuna isla go’aansanay in aanu soddon kun oo qoys (30,000 qoys) oo taakulo degdeg ah aannu gaadhsiino, gobolladan ay masiibada abaartu ku habsatay, gaar ahaan afarta gobol ee Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool.”
Intaa kadib Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay u boqooleen Gobolka Togdheer oo ay kala kulmeen soo dhawayn ballaadhan degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya labadaa gobol, iyadoo dadweyne aad u fara badan oo tubnaa hareeraha waddada tagta Burco uu Madaxweynuhu dhulka ugu degayey si uu ula qaybsado dareen qiiro waddaniyeed oo ka muuqday dareenkooda safarka Madaxweynuhu ugu kuurgelayo xaaladda shacabka iyo duunyada abaartu barakicisay ee u baahan taageerada madaxdooda, ganacsatadooda, dadkooda iyo cid kastoo taakulo u fidin karta.
Ugu dambayntii, weftiga Madaxweynaha oo gaadhay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer fiidkii xalay, una hoydeen halkaasi xalay, waxa Afhayeenka Madaxtooyada oo la hadlay warbaahintu uu sheegay in safarkani yahay mid Madaxweynuhu uu ku go’aansaday inuu indhihiisa ka soo qaado baaxadda ay leedahay abaartu, gurmadna uu u yahay dadka iyo duunyada ku dhaqan afarta gobol ee aadka looga dayriyey.
Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa xubnihii isbahaysiga ee hore uga cadhooday KULMIYE iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hadda ka mid ah xubnaha weftiga Madaxweynaha ee safarka ku jooga degaannada bariga, waxaannu muddo dheer cadho kaga maqnaa xukuumadda KULMIYE, balse hadda khilaafkaasi meesha wuu ka baxay, wuxuuna u muuqdaa masuul diyaar u ah inuu la shaqeeyo xisbiga talada haya ee KULMIYE.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post