X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Diyaarad Khaas Ah Ugu Baxay Dalka Sucuudiga

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo safar ugu baxay Sucuudiga 7 August 2019

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,  ayaa safar ugu baxay Dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib markii Boqorka Sucuudigu kusoo daray  martida gaarka ah ee dalalka Islaamka oo sannad kasta uu ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka.

Masuuliyiinta Madaxweynaha u raacay Xajka 7August 2019

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo hoggaaminaya xubno ka mid ah Xukuumaddiisa, ayaa maanta gelinkii danbe ka dhoofay Dhabaha Diyaaradaha ee Hargeisa (Egal International Airport) isagoo halkaa ka raacay diyaarad khaas ah oo Boqortooyada Sucuudiga u dirtay, sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Madaarka.

Maxamed Kaahin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland 7August 2019

“Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay  u baxayaan si uu usoo gutan waajibka Xajka, Madaxweynuhu wuxuu raacayaa Diyaarad khaas oo dawladda Boqortooyadda Sucuudigu suoo dirtay, wuxuuna ku dhoofayaa Somaliland Passpor, waana markii ugu horraysay ee Passapor Somaliland Madaxweyne xajka ku tago, iyadoo Madaxdii horre dalal baddan ku tageen.”ayuu yidhi, Af-hayeenka Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Somaliland oo lagu sagootiyayp Madaarka Hargeysa isagoo usii jeeda Dalka Sucuudiga 7 August 2019

Wuxuuna intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Wefdigiisu marka ay dhammaystaan gudashada waajibaadka Xajka ay kulamo la yeelanayaan Madaxda Dalka Boqortooyada Sucuudiga oo sida uu sheegay Af-hayeenku ay kala hadlayaan cilaaqaadka labada dal iyo maslaxada labada ummadood.

Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac Cali

Af-hayeenka, ayaa sheegay in arrintani ay ka turjumayso siyaasadda arrimaha Dibedda Somaliland oo sida uu sheegay muddooyinkii u danbeeyay si xawli ah u socotay, isla maraanka wadamo badan xidhiidhka iyo cilaaqaadka ay yeelanayaan uu sii kordhayo.

Ka Bilaw Bidix Aw libaax Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, Maxamed Cali Bile Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland iyo Midig Af-hayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame 7 August 2019 Madaarka Hargeysa.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post