X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxtooyadda Ku Qaabilay Safiirka Sucuudiga Maxay Kulanka Kaga Wada Hadleen

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Sucuudiga ee Soomaalida Dr Mohammed Abdi-kani Khayat, 2 May 2019.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Sucuudiga u fadhiya Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Sucuudiga ee Soomaalida Dr Mohammed Abdi-kani Khayat, 2 May 2019.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, waxa kulankaa lagaga wada hadlay sidii dawladda sucuuudigu gacan uga geysan lahayd gurmadka abaaraha soo foodsaray qaar ka mid ah gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo safiirku balan qaaday inay ka dawlad ahaan ay qayb muhiima ka qaadan doonaan.

Qoraalka, waxa kale oo lagu sheegay in kulankaasi lagaga wada hadlay ganacsiga iyo dhoofka xoolaha sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen labada dal, iyadoo kulankaas lagu soo qaaday sidii xayiraada xoolaha saaran looga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa.

Sidoo kale waxa kulanka lagu lafo-guray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal gaar ahaan dhinaca amniga, xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac, isu socodka muwaadiniinta labada dal iyo arrimaha xajka iyo Diinta.

Ugu danbayn safiirku waxa uu dalka ku sugnaan doonaa maalmo kooban isagoo kulamo la qaadan doona qaar ka mida wasaaraddaha, horumarinta Maaliyada, xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, iyo ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa  Af-hayeenka  Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Jaamac Warsame.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post