X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Denmark Ee Arrimaha Soomaalida Iyo Arrimaha Lagaga Hadlay Kulan Albaabada Loo Xidhay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la kulmay Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador. Mette Knudsen, Qasriga Madaxtooyadda, 22 Jan 2020, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador. Mette Knudsen oo ay weheliso ku xigeenkeeda Nina Berg.

Kualnkaa oo albaabada loo xidhay, isla markaana aanay saxaafadu goob-joog ka ahayn, balse qoraal saxaafeed kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda ooo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Networ, waxa lagu sheegay in kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay, sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ee dib u dhaca badani ku yimi.

Sidoo kale, waxa qoraal saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, lagu xusay in Ugu danbayntii kulankaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada Geeska Afrika iyo sidii loo adkayn lahaa, isla markaana loogu wada socon lahaa.

Madaxweynaha waxa la sheegay in Kulankaa ku weheliyay sida lagu sheegay qoraalka Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

Dhinaca kale, booqashada wefdiga ka socday Denmark , ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay weli murugsantahay xiisada ka aloosan khilaafka doorashooyinka iyo Komishanka, taas oo u dhaxaysa Xukuumadda iyo saddexda Xisbi, kadib markii uu meelmar noqon waayay go’aankii guddida dhex-dhexaadinta ee dhowaan loo soo bandhigay dhinacyada, isla markaana uu socon waayay soo jeedinta qorshihii ahaa in la kala diro xubnaha Komishanka doorashooyinka ee muranku ka dhashay, kadibna lasoo celiyo xubnihii hore ee komishanka.


Dawladda Denmark, waxay si weyn uga qaybqaadataa dhinacyada horumarka iyo nidaanka geedi-socodka dumuqraadiyada ee Somaliland, sidoo kale waxay ka mid tahay dalalka tirada yar ee qaybta ugu weyn ka qaata sanduuqa horrumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF, (Somaliland Dfeleopmant fund).

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post