Araweelo News Network

Madaxweynaha Somalialnd Axmed Silanyo

Madaxweynaha Somalialnd Axmed Silanyo

Oog(ANN)Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa munaasibadda 22_guuradii aasaaska Ciidanka Qaraka Somaliland kaga qaybgalay Saldhiga Ciidamada jiida hore ee degmada Oog oo ka tirsan gobolka Saraar.

Qoraal kooban oo lagu soo ururiyay khudbada Madaxweynuhu ka jeediyay munaasibaddaa ayaa u qornayd sidan:
“Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Sannad Guurada 22aad eeAas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo maanta lagu qabtay Degmada OOG ee Gobolka Saraar.

Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay maanta in aan ka soo qayb-galo Xuska Sannad Guurada 22aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Aniga oo ka faaiidaysanaya madashan iyo munaasibadan taariikhiga ah, waxaan jecelahay inaan hambalyo iyo bogaadin balaadhan hawada u mariyo cutubyada kala duwan ee Ciidanka Qaranka Madax iyo Minjo.

Mar kale, munaasibadan awgeed waxaan hambalyo u dirayaa Qoysaska Ciidanka Qaranka iyo guud ahaan Shacbi-weynaha Somaliland.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa hal-doorkii u kala danbeeyey hal abuurka iyo hogaaminta Ciidanka Qaranka, ragaas oo ay ka mid yihiin:

Mudane, Xasan Cali Abokor, Taliyihii u horreeyey ee Aasaasay Ciidanka Qaranka.

Mudane, Cismaan Cawed Xaashi (Cismaan Dacas).

Mudane, Xasan Yoonis Habane, ilaahay ha u naxariisto.

Mudane, Cabdi-samad X. Cabdillaahi (Gamgam).

Mudane, Nuux Ismaaciil Taani

Mudane, Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif).

Mudane, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale).

Waxaan u ducaynayaa dhammaanba geesiyaashii u shahiiday Difaaca Qadiyadda Qarannimada Somaliland, waxaanan ilaahay uga baryayaa inuu denbi dhaaf siiyo, naxariista janadana ka waraabiyo.

Duco Qabayaal

Qaran aan ciidan iyo cudud adag lahayni, cadaw iskama caabiyi karo, wuxuuna ka dhigan yahay ruux curyaan ah oo aan haba yaraatee cago lahayn.

Cuudka, Caqliga iyo Cududa Milateri, waa cawada iyo ayaanka uu maanta caalamku is-dheer-yahay. Sidaa darteed, waa ilaahay mahadii in uu ciidankeenu gaamuray oo laba iyo labaatan gu oo gaw ah uu baarka ka gooyey.

Shaki kuma jiro mudaddaa dheer in uu tisqaaday aqoon ahaan, agab ahaan, tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

Ujeedada Ciidanka Qaranka loo abuuray maaha in bulshada loogu caga-jugleeyo ama lagu cabudhiyo. Hase yeeshee, waxa loogu talo galay in ay sugaan amaanka dadka, isla markaana difaacaan cadaw kasta oo ku soo duula Dalkeena Hooyo.

Arrintaas waxaa markhaati ma doon u ah goob kasta oo ay Ciidanka Qaranku ka hawlgalaan min Bari ilaa Galbeed waxa ka suurtagashay nabad waarta iyo nolol wanaagsan.

Miyaanay ahayn wax lagu farxo ama lagu faano awoodda, aqoonta, anshaxa iyo asluubta wanaagsan ee Ciidamada Qaranka meel kasta oo ay joogaan maanta lagu majeerto.

Duco Qabayaal

Waxaan idin leeyahay Shacbiga aad ciidanka u tihiin caad kama saarna xilka culus ee aad u haysaan.

Waxaa hubaal ah in aad nafihiina u hurtaan difaaca Dalkiina Hooyo.

Waxaa hubaal ah in aad heegan ugu jirtaan habeen iyo maalin ilaalinta amniga iyo adkaynta nabadgelyada ummaddiina.

Waxa hubaal ah in aad si hufan u gudateen xilkii iyo waajibkii idinku beegnaa.” Ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi khudbadiisa.”