Digreeto kasoo baxday oo ku taariikhaysan 23 Dec, 2014, xafiiska Madaxweynaha, ayaa lagu shaaciyay in Madaxweyne Siilaanyo dhaqangeliyay wax ka bedelka iyo kaabista lagu sameeyay xeerkaa, wuxuuna qoraalka dhaqangelinta kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha u qornayd sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014, ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014, ee ku taariikhaysan 06/12/2014, ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com