X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Madaxweynaha Djibouti Kala Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Maareeyihii Dekeddaha Dalkaa Marxuum Sacad Cumar Geelle

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi, Bidix, Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, dhexda iyo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shire, midig oo ka qaybgalay aaska loo Sameeyey Maareeyihii Dekeddaha Dalkaa Marxuum Sacad Cumar Geelle, 10 Oct 2019.

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo dalka Jabuuti loogu sameeyey maariyihii dekeddaha Djibouti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal dalka Faransiiska.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno uu hormood u yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirro iyo ganacsato, ayaa subaxii hore ee saaka ka ambo baxay gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana gegida diyaaraha ee Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu marxuumku walaalkii ahaa, iyaga oo ugu tacsiyadeeyey geerida ku timi.

Madaxda ka qaybgashay aaska qaran ee Maareeyihii Dekeddaha Djibouti Marxuum Sacad Cumar Geelle 10 Oct 2019.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa sidoo kale ka qayb-galay Salaad Jinaaso ah oo marxuumka lagaga tukaday mid kamid ah masaajiddada magaalada Jabuuti, ka hor intii aanay madaxweynaha Jabuuti kala qayb-gelin Aas ballaadhan oo marxuum Sacad Cumar Geelle isla magaaladaas loogu sameeyey Xabaalaha Xaafada 12aad.

Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb-galay Aaska loo saameeyey maariyihii hore ee dekedda Jabuuti, Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa qayb ka ahaa wufuud caalami ah oo ka kala socotay dalalka dunida oo jinaasada kala soo qayb-galay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Akhri: Maareeyihii Dekeddaha Djibouti Oo Geeriyooday iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa isla galabta kusoo guryo noqday caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen socdaalkooda ay kaga qayb-galeen Aaskaasi.

WA-BILAAHI TAWFIIq

Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post