Madaxweynaha Ayaa Shacabka Ugu Busheereeyay inuu Dalkiisa Imanayo Ugaas Doodi Oo Dibad-meer ahaa muddo dheer

#Araweelo_News_Network

Boorama (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ku gudo jira safarkiisa gobolka Awdal ayaa xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay mashruuca Dhismaha Madaarka Boorama.
Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Deyr oo la socda wefdiga Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynuhu fulinayo hawlo shaqo oo la xidhiidha ballamihii xilligii Ollolaha uu bulshada reer Awdal u balanqaaday.

Sidaa awgeed Madaxweynuhu wuxuu maanta dhagax-dhigay dhismaha madaarka Boorama oo udub-dhexaad u ahaa ballamihiisii xilligii Ollolaha, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray waddo weyn oo laga hirgeliyey badhtamaha suuqa Boorama.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo kuwa degmada iyo madax-dhaqameed kala duwan, ayaa ka qaybgalay munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax-dhigga dhismaha madaarka Boorama, waxana munaasibaddaas laga jeediyey hadallo salka ku haya sida xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD uga go’an tahay taabbogelinta dhammaanba waxqabadkii uu madaxweynuhu bulshada u ballanqaaday xilligii ololaha.

Madaxda gobolka Awdal iyo degmada Boorama oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Boorama ugu baaqay inay xukuumadda ku taageeraan waxqabadka ballaadhan ee ay gobolka ka waddo, iyaga oo si gaar ah farriin ugu diray shacabka deggen dhulka madaarka Boorama oo loogu baaqay inay dhulkaas danta guud ah ka diyaar garoobaan.

Wasiirka wasaaradda duulista iyo horumarinta madaarradda Somaliland, Mudane Fu’aad Axmed Nuux oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qaabka dhismaha madaarku noqon doono iyo waxyaabaha uu ka koobnaan doono, waxana uu sheegay inay ka dhabayn doonaan hirgelinta madaarkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda dhagax-dhigga ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inuu dhisayo oo dhammaystirayo madaarka Boorama, isaga oo bulshada ugu baaqay inay taageeraan dhismaha madaarka iyo horumarka kale ee gobolka ka socdaba.

Dhinaca kale madaxweynaha qaranku waxa uu xadhigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgeilyey gudaha magaalada Boorama, taas oo wax badan ka tari doonta isu socodka gaadiid ee gudaha magaalada Boorama.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, salaadda Jimcaha kala qaybgalay shacabka ku dhaqan magaalada Boorama, gaar ahaan masjid jaamica weyn,  ayaa caddeeyey in ugaas guud ee gobolka Awdal ugaas Cabdirashiid ugaas Rooble ugaas Dooddi uu dalkiisa iman doono.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha xisbiga WADDANI, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa bulshada kula tukaday masaajidka weyn ee Masjid jaamica Boorama, waxana uu salaadda kaddib madaxweynuhu la hadlay shacabka reer Boorama, isaga oo ugu bushaareeyey inuu dhawaan dalka iman doono, qaabka uu u imanayana laga wada shaqayn doono.

Madaxweyne Cirro, ayaa hoosta ka xarriiqay inaanu ugaasku kasii maqnaan doonin dalkiisa iyo dadkiisaba, dhawaanna madaxda dhaqanka iyo xukuumaddu ka wada shaqayn doonaan qaabka uu u iman doono, isagoo  yidhi, “Ugaasku dalkiisa iyo dadkiisa ka maqnaan maayo oo wuu imanayaa, sida uu u imanayo iyo sida loo maamuusayana odayaashaanu ka wada shaqayn doonaa waqtiga ku munaasibka ah.”

Dhinaca kale,

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefdiga  uu hoggaaminaayay markii ay kasoo laabteen safarka gobolka Awdal, wuxuu Madaxweynuhu  Qasriga Madaxtooyada Gebilay kulamo goonni goonni ah kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Gebilay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Xisbal-Xaakimka Waddani, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gollaha Wakiillada, xubno ka mid ah Gollaha Wasiirrada, Afhayeenka Madaxweynaha, Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, Madaxda Gobolka Gebilay iyo kuwa Degmada, Xildhibaanno iyo Haldoor kale, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Madaxda Dhaqanka , Dhallinyarada, Aqoonyahanka iyo Haweenka reer Gebiley.

Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Deyr ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo hormuudka bulshada gobolka   Madaxweynaha la wadaageen aragtidooda la xidhiidha horrumarinta Gobolka iyo meelaha u baahan in muhiimad gaar ah la siiyo.

Kulanka ayaa siduu sheegay Madaxweynuhu si hufan u dhegaystay soo jeedimihii qaybaha bulshada Gebiley ee uu la kulmay,  isagoo dhankiisa Madaxweynuhu weelaystay soo jeedimaha ay u soo gudbiyeen, islamarkaana uu si buuxda ula shaqayn doono Haldoorka, Waayeelka iyo Haweenka uu la kulmay.