X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Kumanaan Qof Kala Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Cali Sugule Oo Ahaa Abwaan Caan Ka Ahaa Geyiga Soomaalida

Araweelo News Network

Muuqaalka Aas Qaran oo loo sameeyay marxuum Cali Sugule

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu saaka ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed” oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Caasimada Somaliland ee Hargeysa gaar ahaan Xabaalaha Naaso-hablood.

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgelaya aaska Marxuum Cali sugule

Subaxnimadii hore ee saaka waxa dalka soo gaadhay maydka marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal “Duncarbeed” oo laga soo qaaday Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu ku geeriyooday Marxuumku.

Alle haw naxariistee Markii Maydka laga soo dejiyey Diyaarada waxa hareera joogay una diyaar ahaa cutubyo ka mida Ciimadanka Qaranka Somaliland, marxuumka oo ahaa Abwaan qaran oo dalka iyo dadkaba ka baxay, markii laga soo qaaday maydka marxuumka madaarka Cigaal International Airport waxaa salaadii Jinaasada lagaga tukaday masjidka tabliiqiyiinta iyadoo halkaasina looga sii qaaday dhanka xabaashii loo qoday oo diyaar ahayd, waxaana buddhigay Ciidamada Qaranka.

Marxuumka ayaa loo aasay si heer qaran ah iyada oo ay ka soo qaybgaleen guud ahaan bulshada Somaliland, munaasibada aaska ayaa ahayd mid aan loo kala maqnayn sidoo kalena ay joogeen golayaasha qaranka, Saddexda Xisbi Qaran, badi madax dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka iyo haldoorka Somaliland.

Ka dib markii Marxuumka ciida lagu rogay ayaa halkaasi loogu duceeyey inuu illaahay naxariistii janatul fardowsa ka waraabiyo, ehelkii qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo imaan ka siiyo.

Halkan Ka Daawo muuqaalka

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post