X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Xus Iyo Mahadnaq Qaran Ah Ku MaamuusayDuuliye Axmed-Dheere

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan xus iyo maamuus qaran ah la qaatay Duuliye  sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere)  oo ka mid ahaa ciidankii cirka ee dawladdii la isku odhan jiray Soomaaliya, Islamarkaana ahaa Bayloodkii diiday inuu fuliyo amarkii lagu siiyay inuu duqeeyo Magaalada Hargeysa 1988-kii, diyaaraddii uu wadayna ka dejiyay Dalka Jabuuti.

 

Munaasibaddan qaran ee  lagu xusayay kaalinta muhiimka ah ee uu Duuliye Axmed Maxamed Xasan kaga jiro taariikhda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo caawa lagu qabtay qasriga madaxtooyada, islamarkaana uu abaabulkeeda lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa ka qaybgalay shir-guddoonka golaha wakiillada, qaar kamid ah mujaahidiintii usoo dagaallamay dibu-xoraynta dalka oo ay kamid yihiin Mujaahid Axmed Mire Maxamed, Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne), Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, haldoor ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti-sharaf kale iyo duuliyaha la maamuusayey, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku hayey doorkii shariifka ahaa ee duuliye Axmed Maxamed Xasan kasoo qaatay badbaadada nafaha shacabka iyo hantida Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn xubno rug-caddaayo ah oo dalka dibu-xorayntiisii ku suntan oo ay kamd yihiin Mujaahid Axmed Mire Maxamed, Mujaahid Ibraahim Dhego-weyne, wasiir Maxamed Kaahin iyo Oday Saleebaan Cumar-ku-joog oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sheegay in Duuliye Axmed-dheere uu yahay shaqsi ku suntan taariikhda dalka, islamarkaana uu mudan yahay in sidan iyo si ka sarraysaba loo maamuuso, kana soo baxay waajibkii ciidannimo faraysay oo uu ka dhiidhiyey inuu laayo dadkii uu ku dhex noolaa.

 

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ku-xigeenkiisa, Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa iyaguna duuliyaha ku tilmaamay halgamaa qaatay go’aan geesinnimo leh oo baal dahab ah ka galay taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo isaguna kelmedo kooban jeediyey, ayaa ugu horrayn si ballaadhan ugu mahadnaqay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxdooda oo uu ku tilmaamay dad xariir ah oo xasuusan abaalkii loo galay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay qalbigiisa ku weyn tahay wanaagga taageerada looga muujiyey guud ahaan geyiga Somaliland.

 

Duuliyuhu waxa uu ka xog-warramay dhibaatadii uu taliskii Af-weyne u geystay shacabka Somaliland, waxana uu ammaanay dhammaanba halgamayaashii naftooda u huray inay taliskaas meesha ka saaraan, xorriyadda iyo qarannimada Somaliland-na dib usoo celiyaan,“Dhibaatadii dhacday iyo gabbood-falkii dhacay wax lasoo koobi karo ma aha, waxana mahad iska leh raggii iyo haweenkii guntiga dhiisha iskaga dhigay ee u duubtay inay badbaadiyaan oo dadkii iyo dalkii ka qaadaan nidaamkii waxshiga ahaa oo marka horeba midiidin u ahaa gumaysigii dalka haysan jirey,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Xasan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda maamuuska qaran soo gunaanaday, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan, waxana uu ku tilmaamay geesi indheer-garad ah oo qaatay go’aan adag oo uu ku badbaadiyey kumannaan nafood oo shacab ah iyo hanti ummadeed oo dulmi lagu burburinayey.

 

Madaxweynuhu waxa uu sharaf iyo karaamo ku tilmaamay cid kasta oo ku sifowda halgan iyo ka gilgilasho dulmi, isaga oo xusay in dagaalkii Magaalooyinka Somaliland lagu duqeeyey uu ahaa mid dad badan oo Soomaali ahi ku waxyeelloobeen, “Halganka, xornimo-doonka iyo shahiidnimadu waa farxad iyo ummad loo taliyo, mana aha wax laga baqo iyo wax laga argogaxee waa waxa ay noloshu ku dhisan tahay, dagaalkuna muu ahayn mid qolo u socdee Soomaali oo dhan baa joogtay dhulka la garaacayey ee Burco iyo Hargeysa Joogay, cid walibana way ku noolayd,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu guddoonsiiyey duuliyaha billad-sharafta ugu weyn ee maamuuska qaranka Somaliland lagu bixiyo, Baasaboorka Somaliland oo Diblomaasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyahay oo looga binayn doono dhisme guri isaga u gaar ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post