X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Warbaahinta Caalamku Ka Qaybgashay Ku Qabtay Dubai

Araweelo News Network

 

Dubai(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si qoto dheer uga xaal waramay waayaha iyo waaqiciga Somaliland soo martey iyo dhibaatooyinka ay ka dhaxashey midowgii dhex maray Soomaaliyadii talyaanigu gumeysan jirey ee koonfurta iyadoo la raadinayo isku imaantin dhex mara shantii Soomaliyeed wixii la isku odhan jiray, waxaanu madaxweynaha Somaliland dul istaagey in Somaliland shacabkeedu go’aansadeen in ay noqdaan qaran madax banaan oo ka mid ah dalalka caalamka ka dib halgal adag oo ay u soo galeen in ay dib ula soo noqdaan madaxbanaanidoodii luntey 26-June 1960.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa saxaafadda caalamka ee madashaas goob jooga ku ahayd u sharaxey guulaha Somaliland u hirgalay intii ay ahayd qaran madax banaan iyo damaceeda ku aadan in ay beesha caalamka ka hesho waxay xaq u lahayd oo ah ictiraam maadaama ay buuxisey shuruudihii looga baahnaa dal madaxbanaani u diyaara.

Ugu dambayna waxa madaxweynaha halkaasi su’aalo ku waydiiyey warbaahinta caalamiga ah ee ku sugnayd goobta isagoo madaxweynuhu uga jawaabay dhamaan su’aalihii ay waydiyeen oo ahaa kuwo la xidhiidha qadiyada madaxbanaanida Somaliland, iyo mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland iyo DP World wada galeen.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post