X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulamo Wufuudii Dalalka Dibadda Uga Yimi Munaasibaddii 18-ka May

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wufuuda dalalka Dibbada uga yimi ka qaybgalka

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wufuuda dalalka Dibbada uga yimi ka qaybgalka18 May 2019

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socota dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadda Dabbaal-degga 18-ka May, wuxuuna uga mahadnaqay ka qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isaga oo ku bogaadiyey inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qaybgeli lahaayeen maalinta farxaddooda.

Xubnaha weftiga ka socda dalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan iyo hambalyooyin ay shacabka Somaliland uga sidaan masuuliyiinta dalalkooda, kuwaas oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga gudoomay.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wufuuda dalalka Dibbada uga yimi ka qaybgalka18 May 2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga u sheegay inay Somaliland dunida inteeda kale la leedahay xidhiidh wanaagsan oo diblumaasiyad, saaxiibtinimo iyo is fahan ku dhisan, kaas oo midhihiisa ay kamid yihiin wufuudda ay dalalka kala duwani u soo direen ka qaybgalka dabbaal-degga maalinta qaran ee 18-ka May, sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo wadamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey maalintaa qaran ee 18 May.

Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuqraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay madaxweynaha ku bogaadiyeen dedaalka uu ugu jiro inuu dhiso xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale, horumarka iyo wada jirka shacbi weynaha Somaliland gaadheen.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wufuuda dalalka Dibbada uga yimi ka qaybgalka18 May 2019

Wufuuddan uu madaxweynuhu maanta kulamada la qaatay, ayaa kamid ah weftiyo kala duwan oo Somaliland u yimi ka qaybgalka munaasibadda qaran ee 18-ka May oo maalintii shalay sii heer qaran ah looga dabbaal-degay guud ahaanba dalka iyo dalalka Kale ee caalamka oo ay jaaliyadaha reer Somaliland ku xsueen sannad guuradda 28aad ee 18 May.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post