X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Xerada Ciidanka Qaranka Ee Birjeex, Cusbitaalka Ciidanka Iyo Miiska Saraakiisa, Dhisme Cusubna Xadhiga Ka Jaray

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka kormeer ku tegay xerada ciidanka qaranka Somaliland ee Birjeex oo dayac-tir lagu sameeyey, xayndaab cusubna lagu wareejiyey, waxana uu badhtamaha xerada salaan kaga qaatay cutub katirsan ciidanka qaranka, iyada oo uu taliyaha ciidanka Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani uu kormeerkaas ku wehelinayey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo kormeerkiisa sii wata uga sii gudbay cusbitaalka ciidanka qaranka oo uu kormeeray sida uu u shaqeeyo, iyada oo ay sharraxaad ka siiyeen taliyaha ciidanka qaranka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo agaasimaha cusbitaalku, waxaanu soo indho-indheeyey qalab caafimaad oo muhiim u ah ciidamada dalka, kaasi oo dhawaan loo keenay ciidanka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay Miiska saraakiisha Ciidanka Qaranka oo dayactir iyo qalabayn casri ah lagu sameeyey, lagana hirgeliyey dhismeyaal kala duwan oo isugu jira hurdo, fasalo waxbarasho iyo kuwo hadda socda oo loogu talo-galay inay noqdaan goob waxbarasho oo ay ciidanku wax ku baran doonaan.

Dhanka kale waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray dhisme laba dabaq ah oo laga bineeyey xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, dhismahaasi oo loogu talo-galay inuu noqdo goob hurdo ay seexdaan martida ciidamada xidhiidhka la leh ee dalka timaadda, waxaanu madaxweynuhu ka qaybgalay sanad guurada 24-aad ee ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegnayd shalay oo jimce ahayd balse maanta oo sabti ah lagu qabtay taliska guud ee ciidanka qaranka, isaga oo halkaasna salaam kaga qaatay cutubyo katirsan ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post