X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Xildhibaan Ibraahim Kacaan

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo katirsanaa golaha wakiillada Somaliland, isla markaana shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Aaska qaran ee maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan), ayey ka qayb-galeen kumanyaal katirsan shacabka iyo madaxda goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo la xidhiidha taariikhdii marxuumka, waxtarkiisii iyo doorkii uu ku lahaa dib-u-dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxaana uu geeridiisa ka tacsiyadeeyey ehelka, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday aqoonta durugsan ee uu u lahaa marxuum Ibraahim Axmed Haybe, waxaana uu ka marag-kacay dedaalkiisii iyo hal-adaygii uu caanka ku ahaa, waxaana uu yidhi, “Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe waxa uu ahaa rag dhawr iyo soddon ahaa oo mar kasoo wada baxay Cammuud, Ilaa waqtigaana qaranka uun buu u shaqaynayey, da’da iyo taladana waanu isku soo gaadhnay oo nin oday ah buu ahaa, qof walbana wax baa lagu xasuustaaye Ibraahim Hal-adayg baa lagu xasuusanayaa, halkuu istaagona sida looga riixaa way adkayd, waxaana uu kamid ahaa dadka dhifta ah ee meeshooda ku adkaysta.”

Shir-guddoonka golaha wakiillada, xildhibaanno, wasiirro, salaadiin, cuqaal, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo aaska ka qayb-galay, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post