X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Tababar Loo Xidhay Cutubyo Ka Mida Ciidanka Qaranka Oo Ka Baxay Dugsiga Tababarka

Araweelo News Network

Darar-weyne(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jabiyeen cutubyo dhibboo ah oo ka baxay dugsiga tabobarka Jadiidka ee Darar-weyne, cutubyadaas oo ka mida ciidanka qaranka Somaliland.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay cutubyo katirsan ciidamada qaranka ee halkaas ku sugan, isaga oo kormeeray xeryaha ciidamadu ku leeyihiin gudaha Darar-weyne, isla markaana u kuur-galay habsami-u-socodka tabobarrada kala duwan ee ay ciidamadu halkaas ku qaatan.

Taliyaha dugsiga Tababarka Jadiidka Darar-weyne Gaashaanle sare Caamir Siciid Diiriye oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu dugsigaasi soo maray iyo horumarka uu gaadhay, waxaana uu ammaanay ciidamada cusub ee carbiska dhammaystay.

Munaasibadda qalin-jabinta ciidamada dhibbooga ah ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo 6-bilood (lix) ah tababar qaadanayey, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Warfaafinta, Mudane Ciise Axmed Yuusuf iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaawo), abbaan duulaha koowaad ee ciidamada qaranka, Sarreeyo guuto Axmed Cawaale Yuusuf ( Libaax), ahna ku simaha taliyaha Ciidanka Qaranka, saraakiil iyo saraakiil-ku-xigeenno ka tirsan ciidamada kala duwan ee qaranka iyo macallimiinta iyo madaxda dugsiga tababarka ee Darar-weyne, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo ciidamada tababarka dhammaystay, laguna ammaanay macallimiinta iyo cidkasta oo tababrkooda gacan ka geysatay.

Abaanduulaha koowaad ee ciidamada qaranka Sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ahna ku simaha taliyaha Ciidanka Qaranka, ayaa madaxweynaha uga warramay ciidamada dhibbooga ah ee carbiska dhammaystay, kuwaas oo dhaxlay xirfad iyo aqoon buuxda oo ay dalkooda iyo dadkoodaba ku difaacaan, waxaana uu yidhi, “Mudane Madaxweyne waxa aan halkan ka caddaynayaa in ciidamada halkan joogaa ay guteen waajibaadkii loogu talo galay, waxaana ay muujiyeen inay yihiin dhallinyaro u diyaar ah difaaca dalkooda, intii ay meeshan joogeenna laguma arag wax baxsaday, iyaga oo u dhabar-adaygay duruufaha ay keentay dhaqaalaheenna yari.”

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, oo isaguna hadallo kooban munaasibadda ka jeediyey, ayaa waxa uu yidhi, “Madaxweyne Kulliyadan waxa loo furay in ragga lagu kala saaro, ragganina waa kuwii soo gudbay oo aanu is leenahay qaranka wax bay tarayaan, waxaana aan leeyahay hambalyo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn dufcaddan katirsan ciidamada qaranka ee maanta qalin-jabiyey bogaadiyey, waxaana uu tilmaamay inay yihiin xoog cusub oo kusoo biiray cududda qarankani ku fadhiyo, isaga ciidamadana ku sifeeyey kuwo danta guud u dabran mar walba, waxaana uu yidhi, “Dhallinyarada maanta dhammaystay tababarkii koowaad ee ciidanka waxa aan leeyahay maanta waxa aad bilowdeen nolol qiimo iyo qaayo leh oo sharaf leh oo taariikh leh oo aanu qof waliba heli karin, mid soo mara hawsheeda iyo dhibteeda mooyaane, waxkastaana waxa ay ku yimaaddaan oo uu adduunku hore ugu maraa waa is maqalka iyo kala dambaynta, askarigana waxa la baraa adkaysiga maskaxeed, sidiisabana qofka ciidanka ahi meelkasta oo uu katirsan yahay waxa uu dadka kale kaga duwan yahay isagu dantiisa wuu iska illaawaa, waxaana uu ka shaqeeyaa danta qaranka, haddii aan ciidan jirinna qaran ma jireen.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu ciidamada cusub ee qalin-jabiyey kula dardaarmay inay xooggooda iyo xirfaddoodaba ugu shaqeeyaan dalkooda, kana shaqeeyaan isu soo dhaweynta bulshada sidii ay horeba caanka ugu ahaayeen, “Hawsha ciidamadu dagaalka oo qudha ma aha’e, dalka waad difaacaysaan, horumarka dalkiinuna waa muhiim, ciidankuna halka uu joogaba waa inuu wax ka qabtaa oo aanu xooggiisa la fadhiyin oo uu wax kusoo saaraa, ciidamada waxa laga doonayaa inuu noqdo odayga khilaafaadka fadhiya oo dhammeeya dadka dhibaatooyinka dhex yaalla dhammeeya ee dadka hoggaan wanaagsan u noqda, ciidamada Somaliland waxa aan ku ammaanayaa inay tusaale fiican u noqdeen maamul-fidintii dalka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post