X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa

 

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay aaska marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo kamid ahaa waxgaradkii waqtiga badan geliyey sidii ay Somaliland u horumari lahayd.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan saraakiil katirsan goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxgarad, culimo, madax-dhaqameed iyo boqollaal katirsan shacabka reer Somaliland, ayaa salaadda Janaasadda aaska marxuum Jaamac Nuur Warfaa oo lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga caasimadda Hargeysa ka qayb-galay, waxana si mug leh looga sheekeeyey doorkii shariifka ahaa ee uu marxuumku kaga jirey bulshada iyo sidii uu tusaalaha ugu ahaa wanaagga iyo wax-bixinta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu dhinaciisa ku dheeraaday sifooyinkii wanaagsanaa ee uu marxuum Jaamac Nuur Xasan caanka ku ahaa iyo sidii uu maalkiisa iyo maskaxdiisaba u geliyey horumarka bulshada reer Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Marxuum Jaamac Nuur waxa uu ahaa nin inta Bani’aadam wanaag leeyahay wanaag leh, haddii ay deeq tahay, haddii ay caddaalad tahay iyo haddii ay halgan tahayba, waxana uu ahaa dadka wanaaggooda la isku raacsan yahay, Baayac-mushtar buu soo bilaabay oo taajir weyn buu noqday, haddana wixiisii waxa uu ku bixiyey danta guud iyo halkii la yidhi dadka danta yar wax halla siiyo, illaa uu markii dambe noqday nin aan xoolo haynin oo wixiisii dadka u huray.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post