X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Jawaabay Dareenkii Bulshadu Kaga Fal –Celiyeen Sawiradii Wasiiradda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la hadlaya Jaaliyadda Somaliland ee Sucuudiga.

“Waan Soo Dhowaynayaa xamaasadii Bulshadu ka Muujisay Sawiradaa”

Jidah,Sucuudiga, (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse  Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay dareenkii ka dhashay sawiro iyo xubnaha la socdaa ay la galeen Wasiiro ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay Xaramka ku kulmeen.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ku weheliyay kula yeesheen Makka Madaxda Soomaliya 13 August 2019

Madaxweyne Biixi Cabdi, waxa sidaa ka sheegay mar uu kulan la qaatay Jaaliyada Somaliland ee Dalka Sucuudiga ee Magaalada Jidda oo ka mid ah Jaaliyaddaha ugu da’ada weyn dalkaa.

Sidoo kale, wuxuu Madaxweynuhu uga waramay dalka xaalada uu marayo, isagoo dhinaca kalena u mahadceliyay Xukuumadda Boqortooyadda Sucuudiga.

Madaxweynaha, ayaa isagoo ka hadlaya sida ay shacbiga Somaliland uga cadhoodeen sawiradda ay la galeen wasiiradda Soomaaliya mudadii ay ku jireen gudashada waajibaadka Xajka, wuxuu sheegay inuu aad usoo dhoweeyay sidii ay dadka Somaliland uga fal-celiyeen sawirada ay la galeen kooxdaa.

“Somaliland, waxay leedahay cadaw badan, maanta cidna qori kugula soo deg-degimayso ee waxa lagu dagaalamayaa, waa maskax , Tignoolaji iyo dhaqaale, waxaana waajib ku ah dawladda Somaliland u waranto, u abaabusho inay Bulshaddu xooggooda, iyo xoolohooda u wada jiheeyaan cadawga, taasna meel fiican ayay noo maraysaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Read More: Madaxweyne Biixi Iyo Saaxiibadii Oo La Kulmay Masuuliyiinta Soomaaliya Shuruud La’aan

Madaxweyne Bixii, wuxuu tusaale usoo qaatay sawiradaa iyo dareenka xamaasada iyo cadhaleh looga bixiyay, isagoo yidhi, “ Sawirka aanu qolada Koonfurta wada galnay, waxaan aad iyo aad uga mahadnaqayaa Shacbiga Somaliland oo dhan sida feejigan ee xamaasadaleh ee waxa ay qoonsadaan uga jawaabaan, amma u arkaan in dalkoodii wax ka dhaceen, aad ayaan usoo dhoweeyay, xamaasadii iyo sidii ay arrintaa u dareemeen, waxayna ku tusaysaa siday u fahmeen markiiba qaran jacaylkooda, Dhiirigelin ayay ku siinaysaa, kalsooni ayay ku siinaysaa, inay ummadu dagaalka iyo qaranka u wada simantahay oo meel ka wada eegayso, waxa kale oo kalsooni ku siinay inay ka hadlaan hadday arkaan madaxdooda oo wax aanay fahmin gelaysa, waana soo dhowaynayaa xamaasada ka kacday dawlad ahaana kalsooni badan ayay na siinay.{ ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay dareenkii iyo xamaasadii sida weyn looga falceliyay ee sawiradii ay la galeen wasiiro ka socday dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Khudbada Madaxweynaha ee Sucuudiga

Madaxweyne, Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay, horumarka dalka iyo sida loogu baahanyahay in dhinaca horrumarka loo jeesto, wuxuuna ammaanay in dadku u jeestaan dhinaca Beeraha iyo wax-soosaarka, balse waxa uu xusay in dhibaatada ugu weyni tahay xagga Biyaha.

.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post