Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi, ayaa ka hadlay Shirka Isku Xidhka Baananka iyo Hay’addaha Dawladda Iyo Kuwa Madaxa Banaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanku dhexe ee Somalialnd.

Somaliland shirka horumarinta ganacsiga 22 jun 2019
Somaliland shirka horumarinta ganacsiga 22 jun 2019

Madaxweyne Muuse Biixi, oo ka hadlayay shirkaa oo saaka ka furmay Huteelka Maasnsoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in soo jeedinta  kooban ee ay soo jeediyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Somaliland ay yihiin, wax Cilmi ah oo aan mala-awaal ahayn oo u baahan in laga doodo mudada kulankaasi socdo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dalku horumar samaynayo marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax-banaan iyo Wasaaraddii Maaliyadda iyo Baanka dhexe ee ay sameeyaan xeerarkii iyo shuruucdii loo baahnaa, iyadoo aanay dawladdu  dhexgelin suuqa xorta ah.

Shirka horumarinta ganacsiga ee Somaliland 22 Jun 2019. Araweelo News Network.
Shirka horumarinta ganacsiga ee Somaliland 22 Jun 2019. Araweelo News Network.

“Waxaanu xiisaynayaa inaanu wada shaqayn la yeelano Hay’addaha iyo shirkaddaha madaxa-banaan, sida Rugta Ganacsiga, kuwa Caymiska, kuwa sarifka oo kuwa ugu muhiimsan ah, tira ahaan iyo shirkad ahaanba iyo dhammaan cidii hal-abuur leh, Xukuumad ahaan waxaan cosnaynaa Baananka Madaxa-banaan oo ka xoog badan, kana horumarsan Baanka dhexe, waxaa saaran xil weyn eek a duwan ka saaran shirkaddaha ganacsiga, markaynu doonayno dalku inuu horumar sameeyo masuuliyada koowaad iyagay saarantahay, sababtoo ah iyaga ayaa dhaqaalihii haya, markaynu doonayno inaynu shaqo-abuur samaynona masuuliyada koowaad iyaga ayay fuulaysaa.

Sidaa awgeed waxa loo baahanyahay oo anaga iyo ummadduba idinka sugaynaa inaad laba qodob xil weyn iska saartaan, wada shaqaynta dawladda iyo Hay’adduhu inay muhiim tahay, xukuumad ahaana waxaanu diyaar u nahay  sida ugu debecsan in laydiinla shaqeeyo oo aanay marnaba xagga dawladda idinkaga iman wax carqalad iyo loolan, sababtoo ah dawladdu waxay aaminsantahay inaa dhaqaalihii dalka hoggaaminaysaan.

Waxa kale oo laydiinka fadhiyaa, inaad shaqo-abuur samaysaan, sababtoo ah 70 dalkan waa dhalinyaro u baahan Nolol iyo shaqo in loo abuuro,  hadaynaan arrintaa xoogga saarin waxaynu gelaynaa mushkilad, waana in shirkaddaha iyo Baanka dhexe iyo Wasaaradda Maaliyaddu ay dhamaystiraan shuruucdii loo baahnaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Bixii.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Bixii, ayaa sheegay in looga baahanyahay shirkadda gaarka ah, gaar ahaan Baananka Madaxa-banaan, Isgaadhsiinta iyo shirkaddaha kale ee ganacsi inay yeesheen iskaashi, maadaama ay wax ka dhexeeyaan oo ay sidaa caalamka ugu faaftaan idinkii sidaa tihiin ka xoog weyn, laakiin wuxuu sheegay in aan lagu mashquulin tartanka u dhexeeya iyaga shirkaddaha, walaw tartanka iyo maarkidku yahay tartan yahay, wuxuuna tusaale usoo qaatay sida aanay Telefoonada shirkadduhu u wada hadli karin labaatan sannadood, dawlad walba oo timaada way idin baridaa, markaa walaalayaal waxan idin leenahay Ceeb uma aragno inaan idin barino ee dadka u fududeeya oo isku xidha Telefoonada” ayuu  yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay shirka Shirka Isku Xidhka Baananka iyo Hay’addaha Dawladda Iyo Kuwa Madaxa Banaanka oo ay soo qabanqaabiyeen  Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanku dhexe ee Somaliland oo maanta ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, wuxuuna u mahad celiyay Wasaaradda, Maaliyadda, Baanka dhexe, shirkaddaha ka qaybgalay iyo Wakiilada ka socday dalalkaTurkiga, Ethiopia iyo Djibouti, kuwaas oo ka muuqday madasha shirka.