Daaf-furka Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Waxqabadka Xukuumadda ee Boqolka Maalmood
Hargeysa (ANN )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furayey Barnaamijka waxqabadka xukuumadda Wadajir iyo waxqabad ee Boqolka maalmood ee xukunkeeda ugu horreeya.
Munaasibadda bandhigga barmaamijka waxqabadka xukuumadda ee Boqolka maalmood ee ugu horreeya oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, xubno kamid ah golaha waasiirrada, xildhibaanno, madax-dhaqameed, haldoor iyo siyaasiyiin, ayaa diiradda lagu saaray waxqabad muddo kooban ugu hirgalay xukuumadda Wada-jir iyo waxqbad oo ay ugu mudan yihiin Difaaca iyo ilaalinta qarannimada, dawlad-wanaagga iyo dib u habaynta Garsoorka, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumar ballaadhan oo laga gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda.
Xukuumadda WADA-JIR IYO WAXQABAD oo u heellan ka midho dhalinta hiraalka madaxweynaha ee ah in la abuuro Somaliland dawladnimadeedu cago adag ku taagan tahay, ayaa madasha caawa kusoo bandhigtay tallaabadii koowaad ee ay ballanqaadyadii madaxweynaha ficil ugu beddelayso, taas oo ah marag muujinaya sida ay uga go’an tahay in la dhaliyo isbeddel togan, lana ilaaliyo wadajirka ummadda.
Wasiirrada wasaaradaha madaxtooyada, Duulista iyo warfaafinta oo munaasibadda hadallo ka jeediyey, ayaa si gaar ah uga xog-warramay waxqabadka qotoda dheer ee xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay jirtay iyo meelaha mudnaanta gaar ahaaneed la siiyey.
Guddoomiyaha xisbiga muxaaridka ah ee WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo goobta ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda wada-jir iyo waxqabad wax badan ka qabatay ballamihii ay bulshada u qaadday, islamarkaana ay ka go’an tahay dhammaystirka waxyaabihii shacabka loo ballanqaaday waqtigii ololaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa soo dhaweeyey dedaalka xukuumadda uu hoggaamiyaa ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay xukunka haysay iyo sida ay ugu guulaysatay inay hirgeliso qaybo badan oo kamid ah waxyaabihii muhiimka ahaa oo hortebinta u lahaa, isaga oo guul ku tilmaamay inay muuqato yididiilo iyo rejo weyn oo muujinaysa in shaqadu ku socoto jidkii loo qoondeeyey.
khubada Madaxweynahu ka jeediyay munaasibada oo dhammaystiran halkan ka daawo
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/