X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Maalinta Shaqaalaha Aduunka Ee 1 May

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay ku sugan yihiinba.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay uga dhabar adayga duruufaha nololeed ee kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, isagoo kula dardaarmay inay xoojiyaan saacadaha shaqada oo ay xil gaara iska saaran sidii ay u muujin lahaayeen waddaniyad una gudan lahaayeen waajibaadka ka saaran hawlaha muhiimka ah ee qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post