X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Indha-case)

Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle oo loo garan ogyahay (Suldaan Indha-case) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 18/11/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqan oo door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland kuwada dhaqan, tan iyo maalintaana ku jiray isu soo dhawaynta iyo walaalaynta bulsho weynta Jamhuuriyadda Somaliland wada degan.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post